Xukuumadda Somaliland oo Go’aan adag ka soo saartay Ganacsadaha Doollar wax ku iibiya

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa amartay in Ganacsade kasta oo la arko isagoo wax ku iibinaya Lacag aan ahayn Shilinka Somaliland, gaar ahaan qofka lagu arko Lacagta Doollarka Maraykanka laga qaadi doono tallaabo adag oo sharci ah.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim, ayaa maanta soo saaray Wareegto uu sheegay in laga bilaabo taariikhda Maanta ee 26 May 2015, qof kasta oo  lagu arko isagoo Lacagta Doollarka Maraykanka wax ku iibinaya Wasaaradda Ganacsigu ay kala noqon doonto Ruqsadda ama oggolaanshaha Ganacsi.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, waxa uu halkaas Saxaafadda uga akhriyey qoraalka Wareegtada uu soo saaray, waxaanannu Warbixinta Warkaas oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.