Nin Laba Toddobaad Kombuyuutar isticmalaayey oo aan Oomato ama Quutal-daruuri Af saarin

Hefei(AFN):- Nin u dhashay dalka Shiinaha, ayaa diiday cuntada ka dib markii uu muddo laba toddobaad ah isticmaalayey Kombuyuutar uu ku ciyaarayey ciyaaraha oroddada ee Internetka laga isticmaalo.

nin kumputer toddobaad isticmaalayey cunto la'aan

Ninkan oo meherad kuwa Internetka laga isticmaalo ah muddadaas ku jiray, ayaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka u sheegay inay faraha ka qaadaan si uu Kombuyuutarkiisa u isticmaalo, ka dib markii loogu qaylo-dhaan diray ee ay halkaas ugu yimaaddeen.

21 jirkani waxa uu 14 maalmood ku qaatay Maqaaxi Internetka lagu isticmaalo oo ku taal magaalada Hefei, gobolka Anhui ee dalka Shiinaha, waxaanay Warbaahinta maxalliga ahi caddeeyeen in aanu muddadaas waxba cabbin, waxna cunin.

Markii shaqaalaha caafimaadku gaadheen goobtaaas waxa uu ka diiday inuu cusbitaalka tego, isagoo ka codsaday inay kombuyuutarkiisa u soo celiyaan si uu u isticmaalo. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Mr. Xia waxa uu muddadaas cabbayey oo keliya sigaar, wax cunto ahna afka ma saarin sida uu daabacay wargeyska The Telegraph.

Gabadh nadiifinaysay meheradda, ayaa u sheegtay Guddida Dib-u-eegista Ganacsiga Gobolka Anhui ee dalka Shiinaha in ninkaasi 14 maalmood kombuyuutarkiisa ku ciyaarayey ciyaaraha internetka (Gamin online).

Waxa ay wargeyska u sheegtay in subaxihii uu baxay ee 14aad uu u sheegay inuu cunto doonanayo, maadaama aannu muddadaas waxba cunin, kadibna uu ku diiday kadinka marka uu maraayo.

“Kaligay I daaya oo iga taga, kombuyuutarkaygana ii soo celiya. Waxa aan doonaya inaan internetka guul ka soo hooyee,” ayuu u sheegay shaqaalihii caafimaadka ee gaadhay.

Dhallinyarada Shiinaha waxay badankoodu qabatimeen isticmaalka internetka, dhibaato badanna way ku haysaa, waxana 24 milyan oo carruurta dalkaas loo yaqaan in internetku noloshooda ku kharribay.

Cilmi-baadhis la soo saaray bishii December ee sannadkii hore waxa lagu ogaaday in 7.1% bulshada Eeshiya internetka qabatimeen, halka cilmi-baadhis lagu daabacay wargeyska British Medical, lagu xaqiijiyey in ubadka waqtigan dhasha marka ay 7 jir gadhaan ay waqtigooda inta badan ku qaataan shaashada kombuyuutarka TV iyo moobi;lada casriga ah.

Turjumaadda Caydaruus Sheekh Cumar

aftahaninc@gmail.com           

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.