Daawo Munaasibad ay xilka kula kala wareegeen Wasiirka cusub ee Beeraha & Wasiirkii hore

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasaaradda Beeraha, ayaa Isniintii maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas.  Wasiirka Cusub ee xilka la wareegay ayaa ah Maxamed Aw Daahir Ibraahim, halka Wasiirka xilka wareejiyey-na yahay  Prof. Faarax Cilmi Geedoole oo Madaxweynuhu u beddelay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Munaasibadda xil-wareejinta ayaa ka dhacaday huteel imberial Ee Magaalada Hargeysa waxa ka qayb-galay Masuuliyiin tiro badan oo ka mid ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Masuuliyiin ka socday hay’adaha la shaqeeya Wasaaradda beeraha iyo Marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdillaahi Ismaaciil Faarax oo ugu horreyn halkaasi ka jeediyay hadallo uu ku sagootinayo Wasiirkii hore isla-markaana ku soo dhaweynayo Wasiirka cusub, ayaa yidhi; “Annaga maanta farxad ayaa noo tahay oo wasiirkayagii ayaa tagay wasaarad aan jaar nahay, isla markaana ka mid ah wasaaradaha hormuudka ka ah Qarankeenaan Somaliland, Wasiirkayaga Cusubna aanu isna ku soo dhawaynayno Wasaaradaydan oo Iyada lafteedu ku jirta Wasaaradaha waawayn.”

Agaasimaha guud waxa uu intaas ku daray; “Aan idhaahdo Faarax Cilmi Geedoole waxa uu nagala tagay Wasiirkii Bariiska, Wasiirkii Ma dale, aniga laftaydu waxaan ahaan jiray Dadka Neceb Safarada kolay waad la socotaan anagia iyo Wasiirku Waxaanu ku gudo jiri jirnay inta badan Safarada Gobollada iyo Degmooyinka Dalka, Taasna waa dedaal uu dedali  jiray wasiirka Beeraha oo maanta aanu sii Sabootiyeyno, Waxaan se filayaa in wasiirkan cusubi in uu halkii ka sii wadi doono…”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Somaliland, ahna Wasiirka Waxbarashada ee Somaliland, Faarax Cilmi Geedoole oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi; “Wasaaradda Beeruhu miisaaniyadeedu waxay hore u ahayd  Hal Milyan Iyo shan boqol, laakiin imika waa Afar Milyan, taasina waa dedaal aanu la nimid oo Rabbi nala garab galay. Sidoo Kale waxaanu ugu nimid wasaaradda Siddeed Gaadhi oo mid xun yahay, imikana Gawaadhideedu waxa ay marayaan toddoba iyo labaatan gaadhi…”

Prof. Geedoole oo sii hadlaya waxa uu yidhi; “Qarankan waxa aanu ugu xil saaranahay sidii aan umaddan ugu soo saari lahayin Cunto ku filan oo ay cunaan ama ay quutaan, taasna Alle ayaan la kaashanaynaa qaybaha ugu muhiimsan waa kobcinta shaqaalaha iyo Beeralayda oo ah in la tayeeyo si ay dakan ugu hagar baxaan, kolayna hay’adaha inala shaqeeyaan waxay waddanka ka qabteen wax weyn, gobollada oo dhanna waxa ka socda Mashaariic.”

Wasiirka cusub ee Wasaaradda beeraha Somaliland Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo isaguna Xafladda xil-wareejinta ahayd soo gabogabeeyay ayaa yidhi; “Waxaan aad ugu faraxsanahay wasaaraddan la ii soo magacaabay oo aan dhowrkii maalmood ee aan booqday qof waliba lahaa wasiir fiican ayaa nalaga beddelay (Geedoole), taasna macnaeedu waxa weeye in shaqalahu aad u wanagsan yihiin, waxaad arkaysaa dad badan oo marka qof cusub ama wasiir cusub la keeno yidhaahda Alleylehe Wasiirkii hore ha la beddelo, laakiin taasi kamay dhicin wasaaradda beerah”

Wasiirka cusub oo sii hadlaya ayaa ballan-qaadey “Anigu waxaan ballan-qaadayaa in aan waxaan idiin hagaajiyo mooyaane anaan waxa idinka xumaynin, anigoo leh waayo-aragnimo shan iyo labaatan sano ah…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray; “Waxaan aad ugu faraxsanahay waxyaabihii faraha badnaa ee halkan laga sheegay ee qabsoomay.” 

Halkan Hoose ka daawo Muuqaalka Munaasibaddaas iyo sidii ay u dhacday:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.