Madaxweynaha Soomaaliya oo Shaaciyey in uu Madaxtooyada ka samaynayo Xafiis u gaar ah Naafada

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xafiiskiisa Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Xubno ka socday Ururrada Naafada iyo kuwo u dooda dadka Naafada ah ee dalka Soomaaliya ku dhaqan, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho. Waxaanu Madaxweynuhu kulankaas ka sheega inuu Villa Soomaaliya ka samayn doono Xafiis u gaar ah hawlaha dadka Naafada ah.

madaxweynaha soomaaliya iyo kulanka dadka naafada ah

Xubnahan Madaxweynuhu la kulmay oo qaarkood u ololeeyaan Naafada, ayaa isugu jiray Aqoon-yahanno iyo Shaqaale Hay’ado kala duwan ka socday iyo weliba Xubno iyagu Naafo ah, waxaanay Madaxweyne Xasan Sheekh u soo bandhigeen qodobbo kala duwan iyo waxyaabaha ugu waawayn ee ay tabayaan dadka Naafada ahi in dawladdu wax kala qabato, qodobbadaas oo ay ka mid ahaayeen baahi badan oo loo qabo sharci Dastuurku uu u dammaanad-qaado Xuquuqda dadka aanu laxaadkoodu dhammaystirnayn ee Naafada ah.

Wakiilladani waxa kale oo ay Madaxweynaha Soomaaliya hordhigeen baahida waxbrasho, shaqo iyo daryeel ee ay qabaan dadka Naafada ah oo ay sheegeen in ay Soomaaliya ku badan yihiin, dagaalka sokeeye awgood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uu dhegeystay talooyinka iyo tabashooyinka Wakiillada Naafadu u soo jeediyeen, ka dib hadalka la wareegay, isla markaana waxa uu ballan-qaaday in dawladdu ay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabo kasta oo lagu sugi karo Xuquuqda dadka Naafada ah, isla markaasna ay ku shaqeyn doonto Siyaasad ku waajahan sidii loo baahi-tiri lahaa dadka Naafada ah. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Madaxtooyada laga sameyn doono Xafiis qaabbilsan daba-galka hawlaha ku waajahan sugidda Xuquuqda dadka Naafada ah ee aanu laxaadkoodu dhammeyn.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu kulankaas ka sheegay in la qabanayo Shir-weyne Qaran oo Wakiillo ka socda gobollada dalka ay ka qaybgali doonaan si looga tashado horumarinta daryeelka dadka Naafada ah iyo sugidda Xuquuqdooda aasaasiga ah iyo baahiyaha gaarka ah ee ay Naafadu qabaan oo uu sheegay inaan la dafiri karin ee ay tahay wax muuqda, wax ka qabasho iyo taageerana u baahan, iyaguna dawlad ahaan aanay waxba ka hagran doonin awooddooda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.