Aabbihii Hoggaaminta Singapore oo u geeriyooday Xanuunka Oof-wareenka oo ku dhacay

Singapore(Aftahannews):- Raysal-wasaarihii ugu horreeyey ee uu yeesho waddanka Singapore Mr. Lee Kuan Yew, ayaa geeriyooday, isagoo da’diisu maraysay wakhtigan 91 sano jir, isla markaana uu hayey Xanuunka Oof-wareenka loo yaqaanno oo uu u dhintay.

Ra'iisul wasaarihii ugu horreeyey ee Singapore Lee Kuan Yew

Lee Kuan Yew, wuxuu dusha ka eegayey xorriyaddii ay Singapore ka qaadatay Boqortooyada Britain iyo ka go’itaankii dalka Malaysia ay gaarka uga istaageen ama uga go’een, isla markaana waxa uu hayey xilkaas muddo badan oo 30 sannadood ah.

30-kii sano ee uu awoodda hayey wuxuu ahaa maskaxdii ka dambaysay isbeddelka dalkiisa ee min dal deked leh oo fadhiid ah oo leh dhowr kheyraad oo dabiici ah illaa xarun dhaqaale iyo ganacsi oo caalami ah.

Guusha Singapore ay gaadhay ayaa waxay sare u sii qaadday sumacaddiisa, ayadoo loo arkay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu sarreeyey ee siyaasadda Aasiya wixii ka dambeeyay xilligii gumaysiga, waloow uu dalka ku maamulayay qaab kali-talisnimo ah.

Xigasho BBCSomali.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.