Dhismihii qaybta Dab-Demiska iyo Badbaadada ee Madaarka Hargeysa, Diyaarintii Shaqaalaha & Gaadiidka Casriga ah – Sawirro

Taxanaha Horumarka Iyo Dhismaha Madaarka Hargeysa…Qaybta 8-aad

Dab-demisku waa adeeg lagama maarmaan u ah dhammaan goob kasta oo aadame ku nool yahay si guud iyo si gaar ahba. Dhibaatada dabka waxa lagu tilmaamaa kuwa ugu daran masiibooyinka Bani-aadamka ku habsada sidaa darteed dhismaha Xarumaha Dab-demiska ee heer xarumeed waa kuwo aad u muhiim ah marka laga yimaad Dab-demiska heer guri.

1_1

Madaarka Hargeysa taariikhda inta la og yahay min maalintii la aasaasay illaa xukuumaddii tan ka horraysay ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin marnaba ma helin adeeg Dab-demis oo qaban kara baahida Dab-demiseed ee Madaarku u baahan yahay waxaana Madaarka ka hawl gali jiray laba xaajiyadood oo yaryar oo leh tuumbooyin kuwaasi oo ay keentay Hay’adda ICAO kana hawl gali jireen wax aan ka badnayn 6-qof. Xaajiyadahan Dab-demis oo tayadoodu aad u hoosayso isla markaana aan lahayn shaqaale xirfad sare leh oo ku filan wax-ka-qabashada adeegga Dab-demis waxa ay hoos yaaci jireen marka diyaaradi soo caga dhiganayso.

Is badalka ballaadhan ee lagu sameeyey Madaarka Hargeysa waxa ka mid ah in si weyn kor loogu qaaday Adeegga Dab-demis ee Madaarka oo hawl aad u culus laga qabtay. Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ee wakhtigan waxa u suurta gashay in ay dalka keenaan Gaadiid tiro badan oo waaweyn ahna kuwo casri ah oo Dab-demis sidoo kalena waxa ay diyaarisay shaqaale badan oo la siiyey xirfad sare oo dab-damiska ah kuwaasi oo ku hawlgalaya Gaadiidkaasi Dab-demiska ah oo ah kuwo aad u waaweyn heerer kala duwana isugu jira.

Waxa xusid mudan in Shaqaalihii aan soo sheegnay ee dab-demiska madaarka ugu qornaa in ay ka shaqayn jireen sidii ay xoolaha Madaarka uga ilaalin lahaayeen tusaale ahaan wixii Run-wayga Madaarka soo galaya sida Diinka iyo ugaadh nooc kasta maadaama wakhtigaasi aanu Madaarku lahayn wax xayndaab ah. Diyaarad kasta oo dalka doonaysa in ay timaad su’aalaha ugu horreeya ee ay Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Madaarka waydiin jireen waxa ay ahayd heerka uu gaadhsiisan yahay adeegga dab-demis ee Madaarku, su’aashaasi oo laf-dhuun gashay ku noqon jiray Masuuliyiinta Wasaaraddan. Waxa xusid mudan in heerka dab-demis ee Madaarku ku qiimaysnaa Categories Two . Waxa kale oo ka hor intii aan waaxdan dab-demiska wax laga qaban Madaarka ooli jiray Gaadhi weyn oo duug ah oo Marka diyaaraddu soo dagayso Run-wayga agagaarkiisa tagi jiray kaasi oo aan haba yaraatee marnaba buuxin karayn adeeg dab-demis haddii loo baahdo.

Baahida Waaxdan Loo Qabay:

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlayay Baahida loo qabo waaxdani waxa uu yidhi: “Madaaradda waxa ugu muhiisan Nabad galaya iyo badqabka, labadaasi qodob oo aad u kala duwan, Nabad galyadu waa inuu xayn-daabkiisa la ilaalo, gudaha marka la galayo la adkeeyo, mishiino waxa lagu baadho la dhigo, dhamaantood in heerka looga baahan yahay ay noqdaan, qaybtaas hore ayeynu u dhamays tirnay, qaybta inoo dhinayd ayaa ahayd bad-qabka Diyaaraha waxa lagu ilaalinayo, hadii shil dhaco, iyo hadii dab kaco waxa lagu la tacaalo, qaybtaasi waxay ahayd qaybta aynu ugu liidanay, hore warbaahinta waanu ugu sheegnay, gaadhigani waa kii ugu horreeyey ee noocan oo kale ah, ee Jamhuuriyaha Somaliland Madaaradeeda la keeno, baabuurkani waa mid qaali ah, lacag badana ku kacday, waxaan jecelahay inaan halkan ugu mahad celiyo Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Samaale oo arintaas meel mariyey la’aantooda aanay hawshaasi inoo suurawdeen” sidaa waxa yidhi Wasiirka Duulista mar wakhti hore uu ka hadlayay baabuurta cusub ee dab-damiska ah ee wasaaraddu keentay.  

Mudadii is badalka weyn lagu samaynayay Madaarka Hargeysa waxa si weyn wax looga qabtay Waaxdan iyada oo masuuliyiinta Wasaaraddu qorsheeyeen in ay dhawr dhinac waaxdan dab-demiska ka dhisaan. Ta koowaad oo ahayd in la kordhiyo shaqaalaha Dab-demiska (Fire Fighters), in qalab casri ah oo Adeegga Madaarka ee Dab-demiska ku filan la diyaariyo oo dalka la keeno iyo in xirfaddii ay shaqaalahaasi ku hawl gali lahaayeen loo diyaariyo sidoo kale la dhiso Hoosadii la dhigi lahaa Gaadiidka Dab-demiska, xafiisyada shaqaalaha dab-demiska iyo berkadaha keydka biyood ee dab-demiska.

Wasaaraddu waxa ay muddo dhawr bilood ah tababaro xidhiidh ah oo heer caalami ah siisay Shaqaalaha loo carbiyey Dab-demiska Madaarka oo laba qaybood isugu jira:

-Qaybta La Dagaalanka Dabka (Fire Fighters):

– Qaybta Badbaadada (Rescue Department) oo ah qaybta adeegga badbaado bixinaysa sida Gargaarka degdegga ah, badbaabada shilalka iwm.

Tababarkii Hawl-wadeenada Dab-demiska

Wasaaraddu oo kaashanaysa Hay’adda ICAO waxa ay diyaarisay shaqaale ka badan 20 qof oo waaxdan ah. Shaqaalahaasi waxa ay barteen aqoonta dab-demiska iyo badbaabada waxaanay shahaado sare ka qaateen Hay’adda qaramada Midoobay Hawada u qaabilsan ee ICAO waxaanay aad u barteen luuqadda Ingiriisiga si ay ula xidhiidhi karaan saacad kasta iyo daqiiqad kasta cidda ay hawshoodu khusayso ama ay ku wajahan tahay gaar ahaan wakhtiga hawl-gallada. Waxa xusid mudan in ay kooxdan tababarka siinayeen laba Macalin oo ah khubaro ICAO soo dirtay. 

Wasiirka Duulista Hawadu mar uu ka hadlayay diyaarinta shaqaalahaasi markii ay dhammaysteen aqoontooda waxa uu yidhi: “Maanta waxaynu halkan isugu nimid inaynu shahaadooyin gudoonsiino dhalinyaradii mudada dheer tababarka ku jirtay, oo loo tababarayey waaxda dab-damiska ee Madaarka Cigaal oo ka kooban afar iyo toban qof, dhallinyaradaasi markii waxbarashada loo bilaabay waxay gaadhayeen illaa soddomeeye, maanta waxa inoo soo baxay, oo soo gudbay afar iyo tobankan, waxaan jecalahay inaan halkan uga mahad naqo macalinkoodii Mr. Wilyan oo runtii dadaal iyo tacab badan muujiyey, waxa kale oo aan u hambalyeynayaa dhalinyaradaasi oo iyaguna dadaal muujiyey.” Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray:

“Masuuliyadda laga doonayo hawl-wadeenadani waxa weeye inay ka soo baxaan hawsha la dagaalanka dabka ee Garoonkan oo noqday mid caalami ah, qaybtiisa dab-damiskuna aad u hoosaysay markii hore , wixii laynaga doonayeyna aad ugu hoosaysay oo darjada Labaad ahayd, waxa ay Xukuumaddani ku guulaysatay inuu noqdo darjada Sagaalaad (Certegy Nine)”.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Md. Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi: “Wasaaraddu sida aad ogaydeen waxa ay iibsatay oo dawladdu ay maal galisay laba gaadhi oo dabdamis ah, oo uu mid yahay darajada 10-aad midna yahay darajada 9-aad oo aan waligeed Somaliland hore u iman, isla markaana labadaa gaadhi waxa ay u baahan yihiin shaqaale tababaran, oo lagu tababaro sida amaanka iyo bad-qabka madaarka loo sugo,” “Ku dhawaad Soddon inan ayaa lagu bilaabay oo meesha hore u joogay, 14 ayaa hadda ka qalin jabiyey shahaadadii koowaad qaybta dabka ee Hay’ada ICAO ayaa gudoonsiisay sida aad arkayseen tababar kalena waxaa loo bilaabidoonaa sanadka bilawgiisa”

Wasaaraddu waxa ay dalka keentay Laba gaadhi oo ah kuwa waaweyn oo heerkoodu kala yahay (9, 10 Categories) oo ah darajada ugu sarraysa baabuurta dab-demiska ah kuwaasi oo agabkii oo dhan ku gaashaaman. Waxa kale oo xukuumaddu keentay gaadhi kale oo iska weyn oo casri ah oo ay innoogu deeqday xukuumadda Turkigu.

Najiitada La Filanyo Dhismaha Waaxda Dabamiska Ka Dib:

Dabdamisyadaasi labada ah baahida aynu u qabnay darteed wuxuu kalsooni galinayaa Diyaarahaha inoo yimaada, ee haddii shilal ku dhacaan werwerka qabay ee haddii dab kaco dab-damis wax laga qabto tabayey, waxa uu soo jiidanayaa dayuurado cusub, kuwo cusub ayaa dalabkoodii keenay oo yidhi mar haddii aad waaxdii Bad-qabka sidaa u dhisteen waanu imanaynaa, waa wax weyn oo garoonkeena ku soo kordhay. Waxa wax lagu farxo ah in maanta shaqaalaha loo carbiyey waaxdani ay diyaarad kasta oo dab haleelo ku bakhtiin karaa Idamka Alle wax ka yar 3-daqiiqadood oo ay tababarkeeda qabaan.

Dhismaha Hoosada Oo GABOGABO Ku Dhaw:

Hooso ama Hoy ay degaan waaxda Dab-demiska ee Madaarku waxa ay noqotay arrin lagama maarmaan ah in la dhiso markii ugu horraysay taariikhdana Madaarka Cigaal International laga hir geliyo. Waaxdan ama Hoosadan ayaa ka koobnaan doonta dhismeyaal kala duwan oo qaybo ka mid ah ay degi doonaan kuna diyaar garoobi doonaan Shaqaalaha Dab-demiska iyo Badbaadadu.

Waxa kale oo hoosadan la dhigi doonaa Gaadiidka Dab-demiska oo wakhtigan intii hore ee yaryarayd iyo gaadiidka cusub ee waaweyn marka la isku daro ku dhawaad Toddoba gaadhi noqonaysa. Sidoo kale Hoosadan waxa laga hirgeliyey laba berkadood oo waaweyn oo keyd biyood ah kuwaasi oo lagu keydin doono biyaha ay u baahan yihiin gaadiidka dab-demisku marka laga yimaad inta ay markaasi ku hawl galayaan, waxaana u sii sheer xafiisyadii u gaarka ahaa waaxdan. 

Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo dhawaan ka hadlayay munaasibad waaxdan lagu dhagax dhigayay waxa uu yidhi: “Ilaahay ayaa Mahad leh waxanu maanta dhagax dhigaynaa Xarun cusub oo aynu u samaynayno qaybta dabdamiska Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal uu yeelan doono, xaruntani waxa ay ka kooban tahay hoosooyinkii gaadiidka waaweyn ee casriga ah ee aanu Garoonka keenay ay gali lahaayeen ee ku filnaa iyo taangi weyn oo biyood oo gaadiidka dab-damisku ay biyaha ka qaataan wakhtiyda uu dabku jiro, waana qaybta kali ah ee ka dhiman maanta garoonkeena. 

Madaarka dhamaantiina la qiimayan doono, waanu higsanaynaa ilaa darjadiisu tahay toban (Category Ten), ujeedadaas ayaa laga leeyahay mashruucan waxaa ku bixi doona lacag ilaa Boqol kun oo dollar ah (100.000$) oo dawladda Somaliland ay bixinayso, runtii waxaanu rajaynaynaa in ay si fiican u qabyo tirto shirkadda Daryeel ee dhisaysaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.

Qaybtan ayaa haddaba maanta waxa ay ku dhawdahay gabagabo waxaana la filayaa in dhawaan xadhiga laga jaro iyada oo adeegii Madaarka lagama maarkaanka u ahaa ka dhigaysa mid sidaa ku buuxinaysa qiimayntiisuna maanta tahay darajada 10 oo ka mdi ah derejada ugu sarraysa ee lagu qiimeeyo Madaarrada caalamiga ah.

La Soco……………….

Xigasho Foore.