Ganacsade lagu dilay Duleedka Hargeysa, Madaxweynaha, Muuse Biixi & Cabdi Aw Daahir oo ka hadlay

MADAXWEYNE SIILAANYO IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI

Sabawanaag(Aftahannews):- Askari ka tirsan Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa gelinkii dambe ee Axaddii Maanta toogasho ku dilay Allaah ha u naxariistee Marxuum Ganacsade Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma-dheere) oo ka mid ahaa Ganacsatada waaweyn ee Xoolaha u dhoofisa waddamada Khaliijka Carabta, sida aannu ka soo xigannay Shabakadda CodkaHargeysa oo Warkan baahisay.

MADAXWEYNE SIILAANYO IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI AFTAHANNEWS

Warkan aannu ka soo xigannay CodkaHargeysa, waxa uu intaas ku daray in Falkani uu ka dhacay Bar Kaantarool oo ku taal Tuulada Qoton-dabo oo ka tirsan degmada Saba-wanaag ee gobolka Maroodijeex, xilli ay halkaas marayeen Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye) oo Marxuumku la socday, iyaga oo ka soo laabtay Tuulada Daba-gorayaale oo Wasiirku u soo dhagax-dhigay Xarun Caafimaad oo deegaankaas loo samaynayo.

Sida uu CodkaHargeysa u xaqiiyey goob-jooge wehelinayey Weftiga Wasiirka Caafimaadka oo ku soo jeeday dhinaca magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka, Askariga Booliska ah oo joogay Barta Kaantarool ee tuulada Qoton-dabo, ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay Gaadhigii uu saarnaa Ganacsade Gacma-dheere oo Xabbaddu ka Haleeshay Caloosha, balse aanu marxuumka markiiba naftu ka bixin ee halkaas lagaga soo qaaday dhaawac ahaan.

Haseyeeshee, Marxuum Gacma-dheere ayaa geeriyooday meel Dhexda ah xilli dhaawaciisa loo soo waday dhinaca magaalada Hargeysa. Ilaa Immika lama oga sababta Askariga ku kalliftay toogashada Ninka Ganacsadaha ah, haseyeeshee waxa gacan-ku-dhiiglaha isla markiiba Gacanta ku dhigay Askartii Illaalada ahayd ee la socotay Weftiga.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa Tacsi Tiiraanyo leh u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Axsaabta iyo guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Gacmo-dheere.

Waxay Masuuliyiintani sheegeen inuu ahaa Ganacsade Oday ah oo in badan wanaagga iyo isku wadka bulshada ka soo shaqeeyey, isla markaana ka soo qayb-qaatay dib-u-dhiska, nabadaynta iyo hirgelinta Qaranka Somaliland oo ay xuseen inaan la illaawi karin doorka muhiimka ahaa ee uu Marxuumku ka soo qaatay, waxaanay Allaah uga baryeen inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Shacabka Somaliland-ba ka siiyo.

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.