Xukuumadda Somaliland oo Xustay Maalinta Biyaha Adduunka Xilli Biyo-dhaan iyo Biyo-la’aani dalka ka jiraan

Hargeysa(Aftahannews):- Xilli ay biyo la’aani hadhaysay qaybo ka mid ah dalka Somaliland, meelo badanna biyo-yaraani ka jirto, isla markaana gobollada iyo Degmooyinka dalka qaarkood Biyo-dhaan ka jiro oo Boodhka Booyadaha Biyaha dhuraa kicinayaan Duufaanno la moodo, meelaha qaarna Baabuurtu boodhka silikayso, ayaa Axaddii maanta oo ay ku beegnayd 22-ka bisha March 22 waxa Caasimadda Hargeysa looga dabbaal-degay Maalinta caalamiga ah ee Biyaha Adduunka.

SOMALILAND XUSKA MAALINTA BIYAHA EE 22 MARCH 2015

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, Wasiirra Ku-xigeenno, Agaasimayaal guud, Xildhibaanno, Masuuliyiin laamaha kala duwan ee dawladda ka tirsan, Saraakiil Hay’adaha caalamiga ah qaarkood ka socday iyo kuwa waddaniga ah, ayaa ka qaybgalay Munaasibad lagu Xusayey Maalinta Biyaha Adduunka ee 22-ka March.

Inkasta oo ay jiraan Deegaanno uu Roobka Gu’gu ka curtay oo ALLAAH Abaartii iyo biyo-la’aantii ka taagnayd ka soo jebiyey, haddana waxa jira gobollo iyo degmooyin dalka Somaliland ka tirsan oo ay ka jiraan Abaaro ba’an, waloow ay biyo-la’aantu ugu daran tahay.

Masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo Degmada Ceerigaabo, waxay Arbacadii inna dhaaftay soo saareen Qaylo-dhaan Biyo-la’aanta gobolkaas ka jirta ay kaga hadleen, isla markaana waxay sheegeen in deegaanno badan oo Sanaag ka tirsan dadka iyo duunyada ku dhaqani qarka u saaran yihiin inay Harraad u dhintaan, halka Duur-joog iyo Dugaaggii ku noolaa in badan oo ka mid ahi Harraad ugu dhinteen deegaannada qaarkood.

Badhasaabka Sanaag iyo Duqa degmada Ceerigaabo, waxay dawladda Somaliland, Ganacsatada, Qurbo-joogga, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ahba ugu baaqeen in si deg-deg ah ay ugu gurmaan, una hawlgalaan sidii ay Biyo iyo Baadba u gaadhsiin lahaayeen dadka iyo duunyada ku dhaqan Sanaag. Hase-yeeshee, weli Xukuumadda Somaliland iyo caalamka kale toona kamay jawaabin baaqa Masuuliyiintaas.

Sidoo kale, Tuulooyin hoos-taga degmada Sallaxlay ee gobolka Maroodi-jeex, ayay tan iyo toddobaadkii hore uu ka socday Biyo-dhaan, ka dib markii ay gudheen Barkadaha ay dadka iyo duunyada ku dhaqani Biyaha ka cabbi jireen, Jiilaalka oo dheeraaday dartii. Waxa kale oo jira deegaanno kala duwan oo iyagana Abaarta iyo Biyo-la’aantu saamaysay oo dadkii iyo duunyadii ku noolaa iskaga qaxeen oo u hayaameen deegaannada kale ee weli Biyuhu ku sii hadhsan yihiin.

Haddaba, intaas oo xaaladood oo jirta ayay ku soo beegantay Maalinta caalamiga ah ee Biyaha ee Axaddii maanta laga xusay Caasimadda dalka Somaliland, taasoo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Khayraadka Biyaha ee magaalada Hargeysa, waxaana sidoo kale goobta laga sheegay in magaalooyinka kale ee gobollada dalkana laga xusay maalintan.

Hase-yeeshee, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici marna afku kagama dhicin Biyo-la’aanta iyo Biyo-dhaanka ka taagan deegaannada kala duwan ee dalka Somaliland, hase-yeeshee, waxa uu ka hadlay in Qorshe ay dawladdu ka leedahay dejinta siyaasad cad oo arrimahaa biyaha qulqula wax lagaga qabanayo.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo isaguna Xafladdaas xuska ahayd ka hadlay, ayaan ka hadal baahida biyood ee ka taagan dalka qaybo ka mid ah, balse waxa uu ka hadlay, sidii ay ku timi maalintan la xusayo iyo ilaalinta biyaha nadaafad ahaan iyo keydin ahaanba.

Waxaanan Hadallada ay Masuuliyiinta Somaliland ka jeediyeen Munaasibaddaa lagu xusayey Maalinta Biyaha iyo waxyaabaha ay ku soo hadal-qaadeenba aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoosee ee Daawasho Wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.