Dadka Ingriisku, ma ka hadli karaan arrimaha Qawmiyadaha kala Midabka ah,  Mise Afka ayaa la qabtay?

Waa maxay sababta Soogaleetigu ugu badan yahay waddanka Britain? Soogaleetigu-se ma cabbudhin bay ku hayaan dadka dalka u dhashay?

London(Aftahannews):- Dalka Boqortooyada Britain waa dal ay ku nool yihiin Bulshooyin kala duwan Midab ahaan, Diin ahaan iyo Dhaqan ahaan. Laakiin, in intee le’eg ayaa dadku ka hadli karaan arrimaha ku gedaaman Midabka iyo Qowmiyadaha dadka?

MID KA MIDA DADKA SU'AALAHA LAGU WEYDIIYEY MAWDIICAN EE BRITAIN KU DHAQAN

Haddaba, Barnaamij ‘Dokumantari’ ah oo lagii sii daayey TV Ingiriis ah, ayaa Guddoomiyihii hore ee Ururka Sinnaanta dadka ee UK, Trevor Philips wuxuu ku sheegay arrimo badan oo xasaasi ah. Waxaana ugu weynaa waxyaabaha xasaasiga ah, isagoo sheegay in halgankii loogu jiray in dadka Madow iyo Qowmiyadaha laga tirada badan yahay ay helaan xaqooda iyo ixtiraamka mujtamaca Ingiriiska dhexdiis ah, ay arrintaasi keentay in wax badan aan laga hadli karin oo ku saabsan arrimaha dadka soogalootiga ah iyo qowmiyadaha kala duwan ee waddankaas ku wada dhaqan.

Sababta oo ah, dadkii Caddaa ee Ingiriiska ahaa waxay ka baqdeen in looga shakiyo takoor iyo cunsurinnimo. Haddaba, isagoo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Sinnaanta ee Qowmiyadaha laga badan yahay ee Madow muddo toban sano ka hor ah, ayaa Trevor Philips waxaa uu toddobaad walba dhawr maalmood booqasho uu ku tegi jiray daafaha dalka Ingiriiska si uu ula kulmo xubno ka mid ah dadyowga laga tiro badan yahay. Warbixintan oo ay diyaarisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu ka soo xigannay way sii socotay, waxaanay intaas ku dartay.

Trevor Philips, waxa uu ka soo Jeedaa qoys Madow ah oo ka yimid Jasiiradaha Karabiinka, waxa ay shaqadiisu ahayd in uu dadka isu soo dhaweeyo, oo si fiican loo wada noolaado dhammaan dadka kala duwan ee dalkan Ingiriiska kasoo jeedaa. Laakiin, waxaa uu dhawaan qirtay inkastoo oo uu ogaa in ay kooxaha qaar fikrado xag-jir ah qabeen haddana isagu kamuu fal-celin.

Kadibna, 2005 waxaa dhacay isqarxintii London oo ay ku dhinteen 52 qof, isla markaana qaar badani ku dhawacmeen, waxaana qaraxayada geystay Islaamiyiin ku dhashay dalkaas oo dhalasho ahaan ahaa British Muslim ah. Hase-yeeshee, Mr. Phillips ayaa hadda is-weydiinaya inuu Mas’uuliyad shakhsi ah ku leeyahay wixii dhacay, maaddaama oo aanu hore u sii garan waxa soo socday.

Haddaba muxuu digniin uga sii bixin waayay?

Barnaamij Dhukumentari ah, oo magaciisa la yidhaahdo (waxyaabaha aynaan dhihi karin ee khuseeya Midabka dadka, laakiinse runta ah), ayuu Mr Phillips ku sheegayaa in haldoorka Siyaasadda iyo Saxaafadda Ingiriisku ay aad uga baqdaan in ay ka hadlaan arrimaha qowmiydaha kala duwan, iyagoo ka baqaya in lagu sheego in ay cunsuriyiin yhiin, oo ay dadka madow neceb yihiin.

Waxaa Trevor Philips uu sheegay in cabsidan laga baqayo arrimahani ay keentay laba arrimood, oo midda hore ay tahay in aan laga hadlin dhibatooyinka bulshada ama qowmiyadaas dhexdooda ka jirta, ka dibna xal looma helayo mar hadDaan arrinkiiba toos looga hadlayn.

Midda labaadna, waxaa soo baxay dhaqdhaqaayo siyasadeed oo ka dhashay cadhada ay dareemeen dadka dhulkan u dhashay, gaar ahaan caddaanka Ingiriiska oo arkaya waddankoodii oo isbeddelaya haddana aanay waxba ka dhihi karin.

Waxay u eg tahay in arrintan ay ka hadlayso tageerada badan ee uu helayo Xisbiga UKIP ee dalka Ingiriisku, kaasoo raba in uu xaddido soogalootiga, isla markaana raba in Ingiriiska uu ka saaro Midowga Yurub.

Qaar badan, oo ka tirsan Musharrixiinta iyo Tageerayaasha Xisbigani, ayaa sheegaya in la cabbudhiyey, oo aanay si xor ah uga hadlin dhibatooyinka dadka soogalootiga ahi ku hayaan ama culayska ay ku soo kordhiyeen bulshada Ingiriiska ah, sida guryaha iyo shaqooyinka dalka, haddii ay arrimahan ka hadlaanna loogu yeedhayo cunsuriyiin.

Caddaalad-darrada ijtimaaciga ah:

Ka dib markii ay dheceen dembiyo badan oo ku saabsan Carruur la fara-xumeeyey iyo denbiyo galmada ah, oo ay qayb ka ahayeen xubno ka tirsan bulshooyinka laga tirada badan yahay, ayaa tooshka aad loogu ifiyey arrimaha ku saabsan qowmiyadaha madow iyo kuwa kale ee laga tirada badan yahay sida loola dhaqamayo.

Magaalada Rotherham ee Waqooyiga Ingiriiska, ayaa kooxo Ciyaala-suuq ah oo asalkoodu yahay Pakistan, waxay sannado badan ku xad-guudbayeen Hablo da’doodu yar tahay oo iska dhibaataysan. Ka dib markii baadhitaan la sameeyay, waxaa la ogaaday in shaqaalaha arrimaha Bulshada iyo Booliisku ay indhaha ka qabsadeen arrimahani, iyagoo ka baqaya in lagu tilmaamo cunsuriyiin.

Waxaa kale oo jirtay warbixin xaqiiqo-raadis ah, oo laga qoray jidh-dilkii iyo dilkii Gabadh yar oo 8 jir ah oo la odhan jiray Victoria Climbie, oo ay dishay Gabadh ay eddo labaad u ahayd. Labaduba waxay ka yimaddeen dalka Ivory –Coast. “Waxa taana la ogaaday inay kooxdii qaabbilsanayd wax ka qabshada arrimahan aanay cadaadiskii loo baahnaa saarin, iyagoo isleh armaa la idin yidhaahdaa waa cunsuriyaal.” ayuu yidhi Trevor Philips.

James Dellingpole, oo ah Tiftiraha barta intarnetka Breitbart ee ka hadasha arrimahan, ayaa sheegay in Trevor Philips arrimahan uu ka hadlay ay ‘yihiin xaqiiq dhab ah’ waxaanu yidhi; “BBC ma sii dayn karteen mawduuc kan la mid ah, iyadoo laga baqayo in la yidhaahdo waa cunsuriyiin, nin aan madaw ahaynina sidan oo kale ugama hadli kareen.”

Toddobaadkii hore ee dalka Ingiriiska, waxaa shaqada laga joojiyey soo jeediyihii barnamijka Top Gear Jeremy Clarkson oo lagu eedeeyey in uu feedh ku ganay mid ka mid ah soo saarayaasha barnaamijkiisa. Dad badan oo Ingiriis ah ayaa ka cadhooday waxaana sheegeen in ay khatiyaan ka joogaan habka loogu yeedho ‘sida saxda ah u hadal’ ama afka Ingriiska ‘political correctness’.

Odhaahdan ‘sida saxda ah u hadal’ ayaa qofba meel ka taagan yahay, iyadoo dadka qaar u haystaan in ay tahay in aad si xurmo leh oo tifaftiran aad dadka ula hadasho, qaar kalena waxay u arkaan in ay tahay odhaah lagaga hor-tagayo doodda xorta ah.

Jeremy Clarkson, ayaa hore loogu ganaaxay in uu yidhi; ereyo xambaarsan cunsuriyad, oo ay ku jireen magacyada dalalka Thailand iyo Itoobiya. James Dellinglope, oo ka hadlayay tageerada badan ee uu helay Jeremy Clarkson, ayaa sheegay in ay muujinayso ‘sida dadku uga daaleen in sidii carruurta mar walba wax loo sheego’. Waxaana uu sheegay in ‘dad badani ay u arkaan in uu yahay codka keliya ee dhabta ah ee BBC jooga. Waxaanu u hadlaa siday dadku u hadlaan jooga Makhaayadaha iyo Suuqyada dalka Ingiriiska’

Mawduucyada Xasaasiga ah.

Hadalkan ‘sida saxda ah u hadal’, ayaa dad badani u haystaan in ay tahay in aad si xurmo leh oo aan xanaf lahayn u hadasho, qaar kalena waxay u arkaan in ay tahay odhaah halis ah, oo arrimo kale looga gol-leeyahay, waxaa ka mid ah dadkan Rupert Murdoch, oo ah maalqabeen weyn oo leh Warbaahin caalami ah.

Wuxuu Bartiisa twitter-ka kusoo qoray Bishii Febraayo ‘sida saxda ah u hadal waxay cabbudhisay xornimada hadalka, aaway ilbaxnimadeenni?‘ Haddaba, lama dafiri karo in dalka Ingiriisku uu isbeddelay, waayo? Dad badan baa soo galay oo ajaanib ah, laakiin, suurtagal ma tahay in laga hadlo cawaaqibka dadka Ingiriiska galay ama tegay?

Sundar Katawala’soo ka tirsan Ururka British future waxay uu qabtaa doodo arrintani qawmiyadaha kala midabka ah lagu gorfeynayo, waxaanu sheegay in dadka cad ee Ingiriiska ahi ay inta badan aanay soo jeedin karin in laga doodo mawduucayada xasaasiga ah sida arrimaha dadka soogalootiga ah.

Waxaanu Sundar yidhi; “Waa inaynu ka doodno arrimaha ku saabsan qowmiyadaha kala midabka ah, waa arrin kulligeen inna khusaysa, waa inaynu ku dhiirranno in aanu arrintan qowmiyadaha kala midabka duwan ka doodno, aadaabta iyo is xurmayntu way fiican tahay. laakiin, maaha in aan laga doodin arrimahan.” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.