Dawladda Somalia oo ka hadashay Sarkaal Al-Shabaab ka tirsanaa oo Maraykanku dilay & Somaliland

Muqdisho(Aftahannews):- Dawladda Soomaaliya, ayaa ka hadashay dilka Sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab, kaasoo ay dawladda Maraykanku shaacisay Khamiistii shalay inay ku dishay weerar ay fulisay diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo bartilmaameedsatay Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Aadan Garaar.

WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOOMAALIYA CABDISALAAN HADLIYE CUMAR AFTAHANNEWS

Waxay dawladda Soomaaliya sheegtay inay soo dhawaynayso dilka Sarkaalkaas oo ay xustay inay ka wada shaqeeyeen labada dawladood ee Soomaaliya iyo Maraykanka oo Iskaashi dhinaca ammaanka ahi ka dhaxeeyo sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda Fedaraalka Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka, ayaa shalay xaqiijiysay dilka Adan Garaar, waxaanay sheegtay inuu ka mid ah ahaa Garab ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya, isla markaana lala xidhiidhinayo inuu ka dambeeyey weerarkii Suuqa Ganacsiga magaalada Nairobi ee Caasimadda Waddanka Kenya laga fuliyey bishii September ee sannadkii 2013-kii.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya soo dhawaynayso dilka Sarkaalkaas, isagoo sheegay inaanu dalka Soomaaliya noqonayn meel dembiilayaasha caalamiga ah iyo Argaggixisadu ku dhuumaalaysato oo ay isku qariyaan.

Sidoo kale, Wasiir Hadliye waxa kale oo uu ka hadlay wadahadalkii burburay ee u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ka jawaabay baaq ay Somaliland soo saartay oo ay beesha caalamka uga dalbatay in la dhex-dhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo Xukuumaddu sheegtay inaanay Soomaaliya la fariisan doonin illaa caalamku dhex-dhexaadiyo, waxaanu ku dooday Wasiirku in waxa laga wadahadlayaa yahay in Soomaaliya cusub la wada dhisto, balse aanu isagu dhibaato u arkaynin haddii caalamku gacan ka geysto is-fahamsiinta labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargeysa.

Haddaba, Waraysigan Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya bixiyey oo uu la yeeshay Weriyaha VOA-da ee Ismaaciil Xuseen Farjar oo Washington ku sugan, su’aalaha la weydiiyey  iyo jawaabaha uu Wasiirku ka bixiyey waxaannu idiinku soo gudbinaynaa qaybta hoose ee Codadka Aftahannews ee ka dhegayso liidka madawga ah ee dhinaca hoose.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.