Adkaademiga Nabadda & Horumarinta oo Soo bandhigay Cilmi-baadhis lagu dejinayo Siyaasadda Dhulka Sland

Hargeysa(Aftahannews):- Akeedemiga iyo Nabadda Somaliland, ayaa soo bandhigay Cilmi-baadhis ay ku soo sameeyeen gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka Somaliland, waxaana lagu soo ogaaday cilmi-baadhistaas oo ku saabsanayd in Siyaasad guud oo heer Qaran ah laga yeesho hagidda dhulka, hase-yeeshee, uu Qaranka Somaliland yeesho Siyaasad guud oo dawladdu hoggaamiso, sida uu sheegay Guddoomiyaha Akaademiga Prof: Maxamed Faarax Xirsi.

SHIRKA SIYAASADDA DHULKA SOMALILAND EE AKAADEMIGA

MAXAMED FAARAX XIRSI GUDDOOMIYAHA AKAADEMIGA NABADDA SOMALILAND aftahannews

Shir ay soo qaban-qaabisay Akaademiga Nabadda iyo horumarinta Somaliland oo lagu qabtay Xarunta Akaademiga ee magaalada Hargeysa, waxaana kulankaas ka qaybgalay Masuuliyiinta Wasaaradaha Hawlaha guud, Deegaanka, Macdanta iyo Tamarta, Arrimaha gudaha, Xannaanada Xoolaha, Guddiyada dhulka ee Golaha Wakiillada, Saraakiil ka kala socday Hay’adaha caalamiga ah qaarkood iyo Xubno kale.

Shirkaasi sidii uu u dhacay iyo qodobbada lagaga wadahadlay iyo weliba Cilmi-baadhista Akaademiga iyo Horumarintu samaysay-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.