Cadceed-madoobaad qaybo dunida ah ka dhacaya Jimcaha iyo Culimada Sayniska oo si weyn uga digay

Dunida(Aftahannews):- Allaah ayuun baa garan kara ama og waxa dhacaya, dhici doona iyo wax kasta oo soo socdaba, hase-yeeshee, waxa uu Allaah dad badan u sahlay cilmi ahaan inay waxyaabaha qaar wax kaga iftiimin karaan. Sidaa daraaddeed, Nimanka sheegta inay yihiin Khoborada Caalamka ee dhinaca Sayniska iyo Saadaasha Hawada ayaa ka digay in Cadceed-madoobaad dhici doono Jimcaha Berri.

CADCEED-MADOOBAAD LAGA DIGAY

eclipse

Cadceed-Madoobaadka, ayaa la sheegay inuu Jimcaha Berri oo ku beegan labaatanka Bishan March sannadka 2015-ka, waxaanay Culimada Sayniska ku xeel-dheeri sheegayaan in gelinka hore ee Jimcaha laga arki doono Waqooyiga Qaaradda Yurub, qaybo ka mid ah Maraykanka iyo Afrika.

Xarunta lagu barto kana faalloota Culuunta Sayniska iyo Cimilada oo ku taalla magaalada Birmingham ee waddanka Britain oo la yidhaahdo Headteacher, ayaa digniin ka soo saartay Qorrax Madoobaadka subaxnimada Jimcaha 9:30-ka Saacadda Ingiriiska oo ku beegan 12:30-ka duhurnimo saacadda geeska Afrika, waxay ka digeen in si toosa loo eego Qorraxda ama Cadceeddu inta ay madawdahay oo lagu qiyaasay inay madoobaan doonto wakhti saacad iyo badh ah ama 90-daqiiqo.

Waddanka Britain, Ireland, Foroe Islands iyo Jasiirado kale oo Britain ku dhadhaw, ayaa ka mid noqon doona meelaha sida fiican looga wada dareemi doono madawga Qorrax-madoobaadka la saadaaliyey inuu qaybo badan oo dunida ka mid ah ka dhici doono Jimcaha Berri ee 20 March 2015, kaasoo ay Culimada Saynisku sheegeen inuu noqon doono Qorrax-madoobaadkii ugu waynaa ee dunida laga arko wakhti 16 sannadood ah, meelahaas oo 90%-kiiba iyo 100% la sheegay inay Cadceeddu ka madoobaan doonto, Israa’iil, meelo Bariga dhexe ka mid ah, ayaa sidoo kale la sheegay in laga dareemi doono qorrax-madoobaad aan cadceeddu wada qarsoomi doonin.

Principal Sue Simmons oo ka mid ah Saynisyahannada Headteacher, ayaa warqad qoraal ah ugu digay waalidiinta waddanka Britain ku dhaqan, isla markaana waxa uu qoraalkiisa ku faray inay Waalid kastaaba Carruurtiisa ka ilaaliyo inay kor u eegaan madawga Cadceedda wakhtiga ay Qorrax-madoobaadku socdo, isagoo ka digay halis badan oo caafimaad inay ku keeni karto Indhaha iyo Aragga Carruurta iyo weliba dadka waawayn, sidaa daraaddeedna waxa uu ku adkeeyey in laga digtoonaado kor u eegista Qorraxda.

“Fadlan cid kasta oo qoraalkani gaadho waxaannu kula talinaynaa inay qaataan taladayadan oo aanay dhayal san, xaalad kasta oo lagu jiro ha u oggolaannina Carruurtiinna inay si toosa u eegaan Cadceed-madoobaadka muddada ay socoto. Waxaannu ka digaynaa sidoo kale, inaan Muraayadaha Cadceedda (Sunglasses) lagu eegi karin Cadceedda inta Qorrax-madoobaadku socdo.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Dr. Principal Sue Simmons.

Sidoo kale, Khobarada caalamka ee Sayniska, ayaa iyaguna ka digaya inaan qalab la’aan toos loo eegi karin Cadceeddu muddada ay madawdahay, iyagoo ku celceliyey inay noqon doonto Jimcaha Berri Cadceed-madoobaadkii ugu weynaa ee la arko muddo 16 sannadood ku siman, sidaas daraaddeed, uu leeyahay khatar badan oo caafimaad oo dhinaca indhaha ah haddii si toos ah loo fiiriyo ama loo eego.

Culimada Sayniska ee dalalka Maraykanka, Britain, Norway, ayaa sheegaya in aad looga feejignaado in la iska ilaaliyo eegista marka ay Cadceeddu madoobaato, waxaanay sheegeen inaan Carruurta yar-yar dibedda loo saarin, haddii loo saarana aanay kor u eegin Cirka muddada Cadceed-madoobaadku socdo.

Turjumaadda Warkan waxa iska leh Aftahannews

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.