“Ma aha laba dal oo kala duwan, sida Eritrea & Itoobiya, Annaguna waxaan ilaalineyna Midnimada” Somalia

Muqdisho(Aftahannews):- Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay Somaliland oo sheegtay inaanay mar dambe Miiska wadahadalka la fadhiisan doonin Soomaaliya iyada oo ay Beesha caalamku dhex-dhexaadiso mooyaane, ka did markii uu burburay shirkii wejiga siddeedaad ee wadahadallada saddexda sono u soo socday Hargeysa iyo Muqdisho, kaasoo kawdii bishan March 2015-ka ka furmi lahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, balse is-faham-darro labada Ergo oo labada dhinac akala metelayey soo dhax-gashay awgeed u fashilmay.

???????????????????????????????

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Salaasadii sheegay inaanay Somaliland la fadhiisan doonin Soomaaliya iyada oo ay beesha caalamku dhex-dhexaadiso mooyaane, isaga oo ku dooday in wadahadalka burburay ay dawladda Soomaaliya ugu talo-gashay inaanu sii socon ee uu burburo markii la soo gaadhay in arrimaha Siyaasadeed ee Masiiriga ah laga wadahadlo, ka dib markii ay Eragada wadahadalka u metelaysay Soomaaliya ku soo dartay Xubno xilal ka haya dawladda Federaalka, balse dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, taasoo ay Somaliland-na diidday inay la fadhiisato, isagoo xusay inay horena u diideen, cidda wadahadalku ka dhexeeyaana aanay ahayn Somaliland dhexdeeda ee ay tahay Soomaaliya iyo Somaliland oo midoobay 1960 markii ay Koonfur iyo Waqooyi Xornimada ka qaateen Britain iyo Italy oo kala gumaysanayey.

Hase-yeeshee, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda arrimaha dibedda Federaalka Soomaaliya Khaalid Cumar Cabdi, ayaa hadalka Wasiir Biixi ku tilmaamay mid lala yaabo, isla markaana dhinacooda sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal buuxa oo dhex-mara Somaliland iyo Soomaaliya iyo inay halkoodii ka sii socdaan wadahadallada saddexdii sano ee ugu dambeeyey u socday Muqdisho iyo Hargeysa.

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Soomaaliya oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, ayaa wax laga weydiiyey hadalka Somaliland ku sheegtay in wadahadallada ay Soomaaliya fashilisay, isla markaana aanay dib u kulmayn illaa beesha caalamku dhex-dhexaadiso, waxaanu ku ku jawaabay; “Waan maqlay hadalka kasoo yeedhay Maxamed Biixi deel-qaaf badan ayuu ku hadlay, wadahadallada muddo dheer ayey soo socdeen, dawladda Ingiriiska ayaa ka ahayd fududeeye iyo goobta lagu kulmi lahaa iyo isu keenista labada dhan ee Somaliland iyo dawladda Soomaaliya.”

“Arrimahan waxay ka dhaxeeyaan Soomaali, dadka wadahadlayaa waa dad Soomaaliyeed, ma aha laba dal oo kala duwan, sida Eritrea iyo Itoobiaya, annagoo ilaalineyna Midnimada Soomaaliya, waxay wax ka dhaxeeyaan waa Soomaali, ayagaana xallisanaya.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Soomaaliya oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in wixii dambe wadahadallada ay goob-joog ka noqon doonto Beesha caalamku sida ay Somaliland ku doodday.

Waxa uu ku dooday Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Federaalka Soomaaliya, inaanay jirin cid ay Somaliland kala tashatay inay gaar u istaagto, balse ay keligeed go’aan ku gaadhay inay Soomaaliya ka go’do, isagoo xusay in Somaliland oo 26 June 1960-kii Xornimada ka qaadatay Ingiriiska iyo Soomaaliya oo 1 Luulyo 1960-kii ka qaadatay xornimada Talyaaniga ay si kedis ah u midoobeen isla kawdii luulyo ee 1960-kii.

Hase-yeeshee, waxa uu ku dooday inuu jiray Heshiis ka dambeeyey oo lagu adkeeyey midnimada iyo wada-jirka Soomaaliya, meel uu heshiiskaasi ku burburayna jirin, afti Shacabka Soomaaliyeed laga qaaday inay Somaliland gaar u istaagtana aanay jirin. Sidaa awgeedna, ay dawladda Federaalka Soomaaliya ilaalinayso markasta iyo meel-kasta midnimada iyo wada-jirka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.