Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo si diirran loogu soo dhaweeyey Norway & TV-ga Qaranka oo markii 1aad Warkiisa baahiyey

Oslo(Aftahannews):- Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Oslo ee xarunta waddanka Norway, halkaas oo uu booqasho ku tegay, isla markaana gaadhay xalay.

SOO DHAWAYNTA JAMAAL CALI XUSEEN EE OSLO NORWAY

Warka soo dhawaynta Musharrax Jamaal Cali Xuseen, waxaa markii ugu horreysay baahiyey Telefeshinka Qaranka Somaliland ee Madaxtooyadu maamusho oo aan looga baran baahinta wararka Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, waxaanu tallaabadaas ku mutaystay TV-ga Qaranku inay u hambalyeeyaan xubno u hadlay Jaaliyadda reer Somaliland ee Norway iyo Masuuliyiinta UCID ee dalkaas.

Soo dhawaynta Musharraxa Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, waxaa ka qayb-qaatay Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Norway, Masuuliyiinta Jaaliyadaha Somaliland ee waddankaas ku dhaqan iyo sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada kale ee Somaliland ee dalkaas ku sugan, kuwaasoo sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashad auu Jamaal ugu tegay, si diirranna ugu soo dhawaynayaan gacmo-furan iyo qalbi furan.

Waxaannu Warbixinta Warkaas oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.