Baarlamaanka Britain oo ka hadlay Aqoonsi buuxa oo ay Somaliland caalamka ka hesho & jidka loo marayo

London(Aftahannews):- Mudanayaal ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka waddanka Boqortooyada Britain, ayaa ka hadlay qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, jidkii loo mari lahaa, sida ugu dhaw ee lagu heli karo, sida ay muhiimka u tahay helitaanka aqoonsi buuxa oo ay Beesha caalamku siiso Somaliland iyo weliba sida ay Mudanayaal ahaan diyaarka ugu yihiin inay ka qayb-qaataan taageeridda raadinta ictiraafka Jamhuuriyaddan uu Ingiriisku muddo dhawr iyo siddeetan sannadood ah ka talinayey.

BAARLAMAANKA INGIRIISKA XARUNTOODA LONDON

Shir ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa lagu qabtay xarunta Baarlamaanka Britain, waxaana Shirkaas ka sokow Xubnaha ka socday Jaaliyadaha Somaliland ee UK ka qaybgalay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Britain, waxaana lagaga wadahadlay shirkaas qodobbo kala duwan oo qadddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland ka mid yahay.

Haddaba, Shirkaasi sidii uu u dhacay, qodobbada lagaga wadahadlay, weedhaha ay Mudanayaasha Baarlamaanka Britain ka yidhaahdeen Aqoonsiga Somaliland, dhammaan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warbixinta warkooda Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.