Magaca Sarkaal Al-Shabaab ka tirsanaa oo Maraykanku Caddeeyey inay Duqayn Diyaaradeed ku dileen

Baardheere(Aftahannews):- Dawladda Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday inay weerar diyaaradeed ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaasoo ku jiray Saraakiisha Liiska argaggixisada ee uu Maraykanku sida weyn u raadinayey.

AL-SHABAAB 3

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa sheegtay in weerar ay u adeegsatay Diyaarad nooca loo yaqaanno Drone-ka,  ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo lagu magacaabo Aadan Garaar.

Waxay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanku intaas ku dartay oo ay sheegtay in weerarkaas oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay meel u dhaw degmada Baardheere ee gobolka Gedo ee gudaha waddanka Soomaaliya.

Ninkan Maraykanku sheegay inay diyaaradda ku dileen ee Aadan Garaar, ayaa loo haystaa in uu yahay Shaqsigii qorsheeyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadday Suuqa laga Dukaameysto ee Westgate Mall ee Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi bishii September sannadkii 2013-kii.

Dawladda Mareykanka, ayaa sheegay in uu qiimeynayay weerarka uu ku bartilmaameedsaday Aadan Garaar, ka hor intaanu Shaacin warka dilka Sarkaalkaas, hase-yeeshee markii uu si rasmi ah u xaqiiqsday in lagu guulaystay dilka Sarkaalkaas ay Waaxda Difaaca Maraykanku warkan ka soo saartay.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ee dawladda Mareykanku leedahay, ayaa hore ay Al-Shabaab ugaga dishay dhawr Sarkaal oo sarsare oo ay ka mid ahaayeen Amiirkii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, Madixii hore ee Al-Shabaab Macallin Xaashi Cayraw iyo Saraakiil kale oo kan hadda Maraykanku shaaciyey ee Aadan Garaar ugu dambeeyey.

Hase-yeeshee, Kooxda Al-Shabaab, ayaan weli dhinacooda ka hadal warkan Maraykanka ka soo baxay, isla markaana aan xaqiijin, beeninni-na dilka Sarkaalkan Al-Shabaab ka tirsanaa ee Aadan Garaar, waxaase la filayaa inay maalmaha soo socda ka hadlaan oo ay beeniyaan ama rumeeyaan dilka Sarkaalkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.