Ciidammada dawladda Suuriya oo soo dhulka soo dhigay Diyaaraddii u horreysay ee Maraykanku leeyahay

Latakia(Aftahannews):- Dawladda Suuriya, ayaa shaaca ka qaadday in Ciidammadeedu soo rideen Diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ay leedahay dawladda Maraykanku oo dul-maraysay Hawada waddanka Siiriya.

US DRONE CRASH IN SYRIA

Diyaaraddan oo nooceedu yahay kuwa Drones-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha lahayn, ayey Ciidammada waddanka Suuriya ku soo rideen meel ku dhaw magalada Latakia oo ku taalla Waqooyiga-Galbeed ee dalka Suuriya, magaaladaas oo ay awood ku leeyihiin Ciidammada dawladda Suuriya ee ka amar-qaata Madaxweynaha dalkaas Bashar Al-Asad.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga dawladda Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa sheegay in diyaaradda Drone ah ay ku waayeen Salaasadii Hawada waddanka Suuriya, inkastoo aanay kala caddayn in diyaaraddaasi ta Ciidammada Suuriya soo rideen iyo in kale.

Telefishinka Afka dawladda Suuriya ku hadla, ayaa soo bandhigay Muuqaallada Diyaaraddan ay soo rideen Ciidammadoodu oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn, taasoo la sheegay inay tahay tii ugu horreysay ee Maraykanku leeyahay ee lagu soo rido Hawada waddanka Suuriya.

Xukuumadda Madaxweyne Bushaar Al-Asad ee ka talisa dalka Suuriya oo dagaal kula jirta qaybo ka tirsan Kooxda Daacish ee dhawaanahan isku ballaadhinaysay qaybo ka mid ah waddamada Ciraaq iyo Suuriya, iyo sidoo kale, Kooxaha Mucaaradka ah ee dawladda ka hor-jeeda oo Ciidammada dalkaas iyaguna dagaal hubaysan kula jira.

Hase-yeeshee, Kooxda Daacish ee ka dagaallamaysa dalalka Ciraaq iyo Suuriya qaybaha ka tirsan, ayaa Is-bahaysiga dawladaha Yurub u badan ee Maraykanku hoggaamiyaa kula jiraan dagaal dhinaca Cirka u badan oo ay ka fuliyaan qaybo Suuriya ka tirsan iyo inta badan Waqooyiga dalka Ciraaq oo ay Daacish ku badan tahay. Waxaanay noqonaysaa diyaaraddii u horreysay ee Maraykanku leeyahay ee ay Ciidanka Suuriya soo ridaan tan iyo intii uu bilawday dagaalka Cirka ee Maraykanka iyo Xulufadiisu kula jiraan Daacish ama ISIS.

aftahaninc@gmail.com                             

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.