Surmi ka taagan Sanaag, Duur-joog iyo Dugaag Harraad ugu madhay & qaylo-dhaan Maamulku ka soo saaray

Ceerigaabo(Aftahannews):- Masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo, ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah lala gaadho dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Sanaag oo ay sheegeen inay ku dhufatay Abaar baahsan iyo biyo iyo baad la’aan ah, isla markaana ay Habar-dugaag iyo Duur-joogta meelo badan oo gobolka ka mid ah harraad ugu dhinteen, sidoo kalena ay halis ku jiraan dadka iyo duunyada deegaanno badan oo dhibic biyo ah aan lagu haynin.

DUUR-JOOGTA SANAAG EE HARRAADDAN

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay iyo Maayerka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo Arbacadii Shir Jaraa’id wada-jir ugu qabtay xarunta Maamulka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo, ayaa ku dhawaaqay inay deegaannada gobolka ka taagan tahay xaalad adagi, waxaanay ugu baaqeen Madaxweynaha Somaliland, Golayaasha kala duwan ee Qaranka, Hay’adaha caalamiga ah, kuwa waddaniga ah, Ganacsatada iyo Qurbo-joogga reer Somaliland, gaar ahaan reer Sanaag inay gurmad deg-deg ah la gaadhaan dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolkaas.

Warbixinta Warkan oo dhammaystiran waxaan idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee daawasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.