Daawo Dhibaatooyinka ka dhasha Shaqo la’aanta haysata Dhalinyarada Somaliland: Warbixin

Hargeysa(Aftahannews):- Dhibaatooyinka Shaqa-la’aanta iyo Shaqo-yaraanta haysata dhalinyarada reer Somaliland, ayaa maalinba maalinta ka dambaysa kor u sii kacaysa, maaddaama oo sannad kastaba ay Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha kala duwan ee dalka Somaliland ay ka soo baxaan Kumannaan Wiilal iyo Gabdho isugu jira, kuwaasoo intooda badani aanay wax shaqo ah helin.

SHAQO LA'AANTA DHALINYARADA SOMALILAND WARBIXIN

Waxaanay Shaqo la’aanta ama shaqo-yaraantu sababtay in Kumannaan dhalinyarada reer Somaliland ahi ay dalka ka tahriibaan, isla markaana u badheedhaan inay naftooda ku biimeeyaan dhibaatooyinka kala duwan ee heer dhimasho, dhaawac, xabsi, garaacis iyo afduubasho ee ay Tahriibayaashu kala kulmaan Saxaraha Galbeedka Afrika iyo sidoo kale Badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga, halka ay kuwo kale ka maraan Marinnada Badaha Carbeed ee Yementa, Sucuudiga iyo meelo kale.

Haddaba, Weriye Cismaan Axmed Cismaan oo ka tirsan Telefeshinka Star, ayaa qaar ka mid ah dhalinyarada reer Hargeysa ee soo dhammaystay Waxbarashada sare ee Dugsiyada iyo Jaamacadaha dalka waxa uu kala sheekaystay dhibaatooyinka shaqo la’aantu ay ku hayso, iyo sidoo kale in dhalinyarada waxbaratay laftooda lagu dhalliilo curin la’aan dhinaca shaqada ah waxay is-beddel uga samayn waayeen.

Warbixinta uu Weriye Cismaan-Hirad ka diyaariyey arrintan dhalinyarada iyo shaqo la’aanta, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.