Netanyahu: Yuhuudi Markii Afraad ku guulaystay Qulqulka Dhiigga Islaamka

Jerusalam(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Yuhuudda Isra’iil Benjamin Netanyahu, ayaa markii afaraad guul ka gaadhay doorashadii Baarlamaaniga ee dalkaasi oo sida adag ay ugu loollameen Xisbiga Likud ee Netanyahu iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Bidixda dhexe ee Israa’iil.

Netanyahu YUHUUDI GUULAYSTAY

Xisbiga Likud ee Netanyahu, ayaa helay boqokiiba 24 doorashada Baarlamaanka, halka Xisbiga bidixda dhexe ee Mucaaradku uu helay boqokiiba 19 Kuraasida Baarlamaanka Isra’il, waxaanay haniyeeyeen in uu Netanyahu ka guulaystay.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa u hambalyeeyay Netanyahu, balse waxaa uu sheegay in arrintan ay astaan u tahay halkay ku socota Siyaasadda Israa’iil. Waxaana la filayaa in Netanyahu uu markii afaraad soo dhiso Xukuumad wadaag ah.

Ololahiisa doorashada waxa uu ku saabsanaa sugidda amniga Israa’iil. Maalmo ka hor doorashada, ayaa Netanyahu waxa uu sheegay in aanu aqbali doonin dawlad madax-bannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin.

Weriyaha BBC-da ee Jerusalam ayaa sheegay in Aqalka Cad aan laga soo soo dhaweyn doonin arrintan, iyagoo u arka Mr Netanyahu inu caqabad ku yahay nabadda Bariga Dhexe. Waxaana jaaniskan uu kaga faa’iidaystay xasuuqii uu sannadkii hore u geystay Muslimiinta Falastiin sida ay dad badan oo Siyaasadda Bariga dhexe falanqeeyaa ku doodayaan, taasoo u saamaxday in Shacabka Yuhuuddo mar afraad soo doortaan si uu u sii wado dagaallada isir-gumaadka ah ee uu Muslimiinta Falastiin ee Shacabka ah ku wado.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.