Damaca Cirro, Doodda WADDANI, Daliilka KULMIYE & Saamaynta Gal-daloolooyinka Sharci

Maxay Dastuurka iyo Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabaan in Mudane Baarlamaan laba xil qabto, muxuuse shuruud ku xidhay Muwaaddinta Madaxweyne ama Madaxweyne Ku-xigeen u isu-sharraxaya?

“(Cirro) isagoo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ah ayuu Madaxweyne u tartami karaa, Madaxweynaha u ordi karaa, weliba marka uu helo jagadaas ayuu tan uu banneeyey….” Afhayeenka WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa

“Waxba yaan Xeerka lagu caddayn Xubin Baarlamaan ama Guddoomiye Baarlamaan, hase-yeeshee, waa Muwaaddin, Muwaaddiniintuna Sharciga dalka way u siman yihiin…. Laakiin, waa il-duuf Cirro loo ilduufay in Sharciga lagu qaado ayuun baan u arkaa ama …” Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan-Dheere)

GUDDOOMIYAHA XISBIGA WADDAIN CABDIRAXMAAN-CIRRO

Hargeysa(Aftahannews):- Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Mudane Golaha Wakiillada Somaliland ka tirsan Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa ku dooday inaanu jirin wax sharci ah oo haba-yaraatee Dastuurka iyo Xeerarka Jamhuuriyadda Somaliland leedahay ka mimd ah oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ama xubin kale oo Baarlamaan toona u diidaya inuu isagoo xilkiisa haya u tartamo jagada Madaxweynaha, isla markaana aanu jirin qodob ku qasbaya inuu ka hor wakhtiga doorashada is-casilo.

“Cirro isagoo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ah oo aan is-casilin ayuu Madaxweyne u tartami karaa” Md. Buubaa

XILDHIBAAN CABDIRAXMAAN CISMAAN CAALIN (CABDIRAXMAAN-DHEERE)

Xildhibaan Buubaa waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cirro yahay Musharraxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ugu taagan inuu ugu tartamo jagada Madaxweynaha haddii lagu doorto Shirka Golaha dhexe ee Xisbigooda oo dhawaan la qaban doono, isla markaana haddii uu guulaysto ku wareejin karo cidda kale ee ay Wakiilladu Guddoomiye u doortaan ee isaga ka dambaysa, haddii aanu ku guulaysanna aanay jirin wax u diidaya inuu sii fadhiyo Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada aanay jirin.

Hase-yeeshee, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere) oo ah Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada ee Muxaafidka KULMIYE ah, isla markaana siddeeddii sano ee u horreeyey ee Golahaasi jiray ahaa Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda iyo Garsoorka ee Wakiillada, ayaa Weriye Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka Xalay wax kaga weydiiyey Shuruucda iyo Qodobbada Dastuuriga ah ee arrintaas la xidhiidha, waxaanu sheegay inay Xaaran tahay in Hal qof oo laba Xil oo Qaran ka wada qabto Somaliland isku hal mar ama isaga oo mid haya uu mid labaad ku darsan karo, sidoo kalena aanay jirin Mudanaha Baarlamaan ama Guddoomiye ha noqdo ama Xubine aanu jirin xaq doorasho oo uu dheer-yahay Muwaaddiniinta kale ee ay wada tartamayaan ama wada tartami doonaan.

Balse aynu ku horreyno, ee Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo shalay la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta, waxa uu yidhi; “Musharraxnimada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI waxa lagu dooranayaa oo lagu soo xulayaa Shirka Golaha dhexe ee Xisbigu yeelan doono. Waxaanse doonayaa inaan idiin sheego arrin arrintaas ka muhiimsan baa jirta, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waana Musharraxa Xisbiga u sharraxan Jagadaa in loo doorto marka uu qabsoomo shirka Golaha dhexe ee WADDANI.”

“Ummaddu waxay u haysataa isagoo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ah inaanu noqon karin Musharrax u tartama jagada Madaxweynaha, beenna waa laga sheegaa had iyo jeer oo waxa la yidhaahdaa; ‘lix bilood ka hor waa inuu is-casilaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu hadduu doonayo inuu noqdo Musharraxa Xisbigaas ee Madaxweynaha u ordaaya.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Md. Ibraahin Mahdi Buubaa, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Dastuurkeenna iyo Xeerarkeennu meelna kumay sheegin oo mabnuuc kagamay dhigin Xubinta Golaha Wakiillada ku jirtaa ama Guddoomiye haka ahaado ama xubin haka ahaadee inaanu u tartami karin Madaxweyne, (Cirro) isagoo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ah ayuu Madaxweyne u tartami karaa, Madaxweynaha u ordi karaa, weliba marka uu helo jagadaas ayuu tan uu banneeyey ee Golaha Wakiillada ciddii Golaha Wakiilladu u doorto uu xilkeeda ku wareejinayaa. Markaa, wax isdiidaya oo meesha yaallaa haba-yaraatee ma jirto.”

Balse, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubba ayuu Weriye Cabdifataax Mursal oo Himilo iyo Aftahannews ka tirsani Xalay Khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey qodobbo sharci oo arrinta uu ka hadlay xidhiidh la leh ama saamayn kara, waxaana qodobbadaas ka mid ah Qodobka 48-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo u dhigan sidan:  Qodobka 7-aad ee Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka oo u dhigan sidan:- Qodobka 7-aad: Shaqaalaha Dawladda & Hay’adaha Dawliga ah:- 1. Shaqaalaha Dawladda, kuwa Hay’adaha madaxa-bannaan ee Dawladda iyo Ciidamada Qaranka derajo kasta ha lahaadeene looma oggola inay isu sharraxaan doorashooyinka Degaannada iyo Madaxwaynaha ama Ku-xigeenka Madaxweynaha, haddii aanay shaqo-ka-tegis soo qoran 90 cisho ka hor taariikhda qabashada doorashada. 2. Shaqo-ka-tegidda waxa shardi u ah inay sidaa qoraal ku soo caddeyso Xafiiska ama Hay’adda awooda u leh caddayntaas.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi oo ka jawaabaya qodobbadaas halka uu ka marayo Guddoomiye Cirro, Xisbiga WADDANI iyo isaga oo Xildhibaan ahaan arrinta uu shaaciyey, waxaanu kaga jawaabay; “Xeerkaas doorashooyinka wax ka beddelkii u dambeeyey waxa aannu Gole ahaan ku samaynay 2012-kii, markaa ma saamaynayo Xubin Baarlaaan iyo Guddoomiye Baarlamaan toona, waxa uu ka hadlayaa Shaqaalaha Hay’adaha kale ee dawladda sida kuwa Madaxweynuhu magacaabo ee Wasiirrada, Saraakiisha Ciidammada, Muwaaddiniinta kale ee dawladda u shaqeeya, kuwa Hay’adaha madaxa-bannaan ee dawliga ah sida tusaale ahaan Hay’adda Shaqaalaha dawladda oo kale. Markaa, qodob Xubin Baarlamaan sheegayaa kuma, sidaa darteed wuu tartami karaa, isagoo xilkan haya, hadduu guulaysto cidda uu Goluhu Guddoon u soo doorto ayuu xilka ku wareejinayaa, haddii uu tartanka Madaxweyne-nimo ku guulaysan waayana inuu Kursigiisa sii fadhiyaa cid u diidi karta iyo sharci u diidaya midna ma jiro, hadba sida uu Cabdiraxmaan-Cirro isagu uga go’aan qaato ama uga tanaasulo ayay ku xidhan tahay, balse Sharci qasbayaa ma jiro.”

Qodobka 48-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qeexaya inaan Xubin Golaha Wakiillada ka tirsani xil kale oo Qaran qaban karin, ayaa u dhigan sidan:- “QODOBKA 48AAD:– REEBBANAATA QABASHADA XIL KALE IYO UGA FAA’IIDEYSIGA XILKA DANO GAAR AH:- Xubinta Golaha Wakiillada uma bannaana in ay qabato xil kale oo Dawladeed, iyadoo xilkii loo doortay haysa; umana bannaana inay uga faa’iideysato xilkaasi dano gaar ahaaned.” Sidaa daraaddeed, Xildhibaan Buubaa oo aan su’aal ka weydiiyey halka laga marayo qodobkaas maaddaama oo uu Xisbiguna yahay Xisbi Qaran, Goluhuna Gole Qaran, iyo weliba qodob lagu dhex-dhexaadiyey dhinacyadii khilaafku dhex-maray ee Wakiillada oo qodobbada Guddoomiyaha saamaynayey uu ka mid ahaa inuu is-casilo wakhtiga sharcigu dhigayo marka doorashada la cayimo, waxa uu ku jawaabay; “Qodobkaasi wuu jiraa, laakiin Xil Qaran waxa uu noqonaya marka Madaxweyne Ku magacaabo ama lagu doorto ee aad ansaxdo ee lagu dhaariyo, laakiin immika waa musharrax, haa Xisbigu waa Xisbi Qaran, hase-yeeshee, maaha Xil Shacabku u soo doortay oo Golayaasha maray oo loo dhaariyey ee weli waa Musharrax, meel uu Musharrax ugu diidayo inuu noqdo oo uu Madaxweyne u tartamo ma jirto. Qodobkaas Guurtidu nagu dhex-dhaadisayna maaha Xeer iyo qodob Dastuuri ah, laakiin waa heshiis, heshiiskaasna Guddoomiye Cirro wuu tixgelin karaa, balse Sharci ku qasbayaa ma jiro.”

Hase-yeeshee, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caali (Cabdiraxmaan-Dheere) oo ah Guddoomiyihii hore ee Guddiga Shuruucda iyo Garsoorka ee Golaha Wakiillada oo uu ka tirsan yahay, ayaa isagana  Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo iyo Aftahannews.com, wax ka weydiiyey Warka Afhayeenka Xisbiga WADDANI iyo dooddiisa ah inuu isagoo Guddoomiyaha Wakiilladu xilkiisa haya inuu u tartami karo jagada Madaxweynaha.

Waxaanu Md. Cabdiraxmaan ku jawaabay; “Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaan oggolayn in marka hore-ba uu laba Xil qof ku wada fadhiisto, in Masuul Qaran laba Xil wada qabto Sharci maaha. Kol haddii aanu laba xilba oggolayn inuu qabanayo Xeerka laguma qorin, waxa Xeerka lagu caddeeyey qofka Shaqaale dawladeed ah ama Hay’adaha madaxa-bannaan ee dawladda iyo Ciidammada derjada ay doonaan ha lahaadeene in uu iska casilayo oo weliba laga aqbalayo xilka uu Qaranka u hayo wakhtiga doorashadu dhacayso 90 maalmood ka hor, inkasta oo uu markii hore ka badnaa haddana wax ka-beddelkii iyo kaabistii u dambaysay ee 2012-kii lagu sameeyey Xeerka doorashooyinka.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere waxa uu sheegay inuu u arko in Guddoomiye Cirro loo ilduufay in Sharciga lagu qaado, waxaanu yidhi; “In qof laba xil wada qabto mar walba waa Xaaraan oo Dastuurkaa caddeeyey…. Hase-yeeshee, isaguna (Cirro) maaddaama oo uu Xilka Xisbiga oo Xaaraan ah qabtay oo uu Dastuurkii afduubay,  inuu ka fadhiisto weeye Xilka iyo xubinnimada Golaha Wakiillada, waayo? Xisbigu waa Xisbi Qaran. Dastuurkaa leh Muwaaddin laba xil wada qaban karaa ma jiro. Laakiin, waa il-duuf Cirro loo ilduufay in Sharciga lagu qaado ayuun baan u arkaa ama ay ila tahay aniga maaddaama oo uu Gole Qaran iyo Xisbi Qaran isku haysto.”

“Anigu waxaan ahay Xildhibaan Baarlamaan, haddii aanan xil kale doonayn dee waan iska fadhiyayaa. Laakiin, waxa illaa Baarlaman I beddelaa waa inaan banneeyo Kursiga oo aan xilka kale u ordo. Markaa, Guddoomiyaha Wakiilladu waa inuu ka baxaa xayndaabka Baarlamanka si uu ula mid noqdo qofka Muwaaddinka ah ee Madaxweynaha u tartamayaa sida uu ka kale ee Muwaaddinka ahi uga fadhiisanayo xilka kale ayuu isaguna uga fadhiisanayaa, waxba yaan Xeerka lagu caddayn Xubin Baarlamaan ama Guddoomiye Baarlamaan, hase-yeeshee, waa Muwaaddin, Muwaaddiniintuna Sharciga dalka way u siman yihiin. Waxaana markii Guurtidu xallisay Khilaafkii Golaha Wakiillada dhexdiisa qodobbadii lagu dhexdhexaadiyey ka mid ahaa inuu is-casilo marka doorashada wakhtiga sharcigu dhigayo ama cayimay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere.

Xigasho Wargeyska Himilo.