Maxaa kala qabsaday Wasiir Xirsi iyo Guddoomiye Xasan Guure oo Xaflad Aroos isku weeraray?

“Waana wax laga xishoodo inuu igu yidhaahdo haddii aynu Ayuha-Nebigii eryannay yeynaan isku soo noqonnin innagu, waxna iska sheegin. Markaas Daahir Rayaale ayuu Ayuha-Nebi ka dhigayaa, waana wax aad loola yaabo!..” Xasan Guure Jaamac

Hargeysa(Aftahannews):- Hadallo isugu jira Kaftan iyo Duur-xul Siyaasadeed, ayaa markii ugu horreysay Madal Siyaasadda ka caaggan ku dhex-maray Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiyaha Siyaasiyiinta la baxay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland Xasan Guure Jaamac oo saaxiibbo hore ahaa, hase-yeeshee, u muuqda inay xafiiltanka siyaasadda Mucaaradnimada iyo Muxaafidnimadu kala durkisay.

XASAN GUURE JAAMAC IYO XIRSI CALI XAAJI XASAN

Goobta ka caaggan ka-hadalka arrimaha Siyaasadda iyo isu-jawaab-celinta Siyaasiyiinta, taasoo ahayd Xaflad ama Munaasibad Meher oo Wiil iyo Gabadh gayaan ah oo is-calmaday la isugu hibeeyey oo Jimcihii shalay ka dhacday magaalada Hargeysa, iyadoo goobtan oo kale kaftan dhaqan iyo duco looga bartay in la isku waydaarsado, balse aan arrimo siyaasadeed looga baran in lagaga hadlo.

Hase-yeeshee, haddana waxa uu Wasiirka Madaxtooyadu markuu indhaha ku dhuftay Xasan Guure holladay inuu ka jawaabo eedaymo uu hore Oday Guure ugu jeediyey Xukuumadda uu Xirsi ka tirsan yahay ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Qasriga Madaxtooyada ee uu awoodaha dheeraadka ku leeyahay Mr. Xirsi.

“Halkaas waxaan ka arkaa Saaxiibkay Xasan Guure oo hore iigu halqabsaday, maanta ayaan u jawaabayaa, oo waxaan leeyahay  Xasanoow waxaynu isku ogeyn dadkaas kale halloo gabaala-gurdeeyo! Laakiin, in aynu innagii iskula soo noqonno maynaan isku ogeyn.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal hore ka daba-socday Xasan Guure.

Xasan Guure ayaa laba sano ka hor ku soo hal-qabsaday Wasiir Xirsi, isagoo sheegay markaas in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) muddo dheer oo dhawr iyo soddon sano ah ay saaxiib ahaayeen, hase-yeeshee ay Xirsi 20 cisho wada-jabhadeeyeen ama saaxiib ahaayeen, sidaa awgeedna uu Xirsi ka saaxiib wanaagsan yahay Siilaanyo. Taasoo aanu weli ka jawaabin Wasiir Xirsi maanta ka hor.

Waxa kale oo uu Wasiirka Madaxtooyadu ka jawaabay Baaqyo ay Is-bahaysiga Mucaaradka Somaliland ee Xisbiyada WADDANI, UCID iyo Madasha Wada-tashigu dhawaan sameeyeen ugu jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa markay muddada shanta sano ee sharciga ah ee Shacabku doortay ka dhammaadaan 26 June 2015 la kala diro Xukuumadda talada haysa iyo Golaha Wakiillada oo dawlad dalka doorasho gaadhsiisa la sameeyo, Xirsi oo baaqaas ka jawaabayaana waxa uu yidh; “Haddaad tidhaahdeen dawladi jiri mayso, waxaan idin leeyahay way  jiraysaa dawladnimada Somaliland.”

“Doorashadu waa nidaam dalkani qaatay waxaana loo raacayaa Shuruucda iyo qawaaniinta waddanka u yaalla, cid wax cusub hore u keentay haddana keenaysaa ma jirto, waxaan markaas odhan lahaa waar yeynaan innagu isu soo hillaaban oo aynaan isku xiijin wax aanay waxba ka soo biirayn.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlayey Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac, ayaa isaguna Xirsi hadalka ka daba-qaatay markii wadhiisa ritay ka dib, waxaanu ku dooday inaanay milgo ahaan, maamuus ahaan iyo dhaqan iyo diin ahaan toona aanay ku habboonayn in Madal lagu dhisayo reer Islaam ah oo cusub in lagu dhex-qaso ka hadalka iyo yooyootanka siyaasadeed ee Siyaasiyiintu isku durayaan, balse ay dul-qaad yaraani ka muuqato hadalka Xirsi.

“Xirsi Madal Aroos  iyo dhaqan baannu isugu nimid ee Madal Siyaasadeed ma ahayn, waxaannu kala garan la’yahay Dhaqanka iyo Siyaasadda, waxaanu daba-socdaa oo si bilaa dul-qaad ah uu uga jawaabayaa mawqifkii aannu ka soo saaray jiritaanka Xukumadda 26 June ka dib. Waxaanan anigu leeyahay Reer Somaliland-noow Xirsi waa kaas!.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

Geesta kale, Xasan Guure oo xalay u warramay Wargeyska Geeska Afrika ee ka soo baxa magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; “Masuulka xilka haya ee madal farxadeed Siyaasad mooyadaya, dhaliilaha xukuumaddana ka xanaaqay waa wax aad loola yaab, waana wax laga xishoodo inuu igu yidhaahdo haddii aynu Ayuha Nebigii eryannay yeynaan isku soo noqonin innagu, waxna iska sheegin. Markaas Daahir Rayaale ayuu Ayuha-Nebi ka dhigayaa, waana wax aad loola yaabo”.

Xasan Guure Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi; “Waxa wax laga xishoodo ah in Xirsi oo ah Masuul inuu yidhaahdo Sanka ayaa caano laga keenay, oo uu hanjabo, ee waxa aan leeyahay Xirsi haddii aad aniga I doonayso, ha ku bootayn xilka Umadda ee aad hayso, Somaliland waa inoo dhex ee” Md. Xasan Guure oo ka hadlayey aqoonta ay isu leeyihiin Md. Xirsi Cali, waxa uu intaas ku sii daray, “Aniga Madaxweynaha ayaanu isku jabhad ahayn, Xirsi Saddex Maalmood ayaanu isku jabhad ahayn, oo Gaadhi aan lahaa ayaa isku kaaya keenay.”

Mar uu Xasan Guure ka hadlayey halgankiisi SNM waxa uu yidhi; “Anigu wakhtigii aan ka tirsanaa SNM, umaan dagaalamayn Cidagale, umaan dagaalmayn Isaaq, ee waxa aan u dagaalamayey oo aan wax la doonayey oo aan hadh iyo habeenba heegan ugu jiray Shacabka iyo Umadda reer Somaliland oo dadka Degan Badhan ilaa Saylac waa isku kay mid, isku si ayaana ugu dagaalamayey, waxna waan la wada doonayey, imikana wax ayaan la wada doonaya.”

Waa markii ugu horreysay ee ay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac ay sidan oo kale Madal Farxad Meherka reer cusub loo fadhiyo isku weydaarsadaan jawaabo kuwan kor ku xusan oo kale ah.

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.