Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad ee Somaliland oo ka hadlay heshiiska Mucaaridka iyo Muxaafidka

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxwayne Ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo immika ah Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo horumarinta, ayaa guul ku tilmaamay is-fahamka dhex-maray Masuuliyiinta saddexda Xisbi ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.

Cabdiraxmaan-Aw-Cali-Faarax

Kuwaasoo bilihii u dambeeyey iskaga soo horjeeday qabashada Shir ay labada Xisbi Mucaarid ku baaqeen oo KULMIYE Qaran-dumis ku tilmaamay. Waxaanay Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda oo isku dhinac ahi ku tilmaameen shirkaas mid Somaliland lagu wiiqayo oo Mucaaridka Mashruuc Qaran-dumis ah lagu soo siiyey.

Cabdiraxmaan Aw Cali waxa uu sheegay inay Somaliland dhaqan iyo caado u leedahay, isla markaana ay halkan ku soo gaadhay wadahadal, isu-tanaasul iyo wadahadal, sida ay maantaba isugu soo dhawaadeen, waxna isula fahmeen Madaxda Xisbiyada oo ku heshiiyey inay wada-jir u qabtaan Shirka Doodda Qaran ee ay KULMIYE iyo Xukuumaddu ka soo horjeedeen ee ay UCID iyo WADDANI wadeen, kaasoo sida ay isla fahmeen ay hagi doonto Akaademiyadda Nabadda iyo horumarinta Somaliland.

“Aad iyo aad ayaannu ugu mahad-naqayaa haddii aannu Akaadamiyadda Nahay saddexda Xisbi Qaran, sida ay noogu yimaaddeen ee ay u ajiibeen gogoshii aannu u fidinnay, runtii si xilkasnimo leh oo waddannimo ku jirto ayay arrimahii u guda galeen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo horumarinta Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali, waxa uu sheegay inuu Madaxda saddexda Xisbi uga mahad-celinayo Kalsooni uu sheegay inay siiyeen Akaademiga, waxaanu yidhi; “ILLAAHAY waxaan ka rejaynayaa in Madaxda Xisbiyadu wixii u dhimanna ay sidaa si la mid ah u dhammayn doonaan. Waxa kale oo aan ugu mahad-naqayaa Madaxda Xisbiyada kalsoonida ay na siiyeen.”

“Waad ogeydeen waxa dalka ka jiray werwer badan oo ah talow maxaa dhici doona oo la yeeli doonaa ayaa lala haa. Laakiin, waxay ku noqotay tii Somaliland ku caano-maashay ee ahayd in la isu yimaaddo oo la wada-tashado oo la isu tanaasulo ee aynu hiddaha iyo dhaqanka u lahayn.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali.

Is-afgaradkan dhex-maray labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI, UCID oo isku dhinac ah iyo KULMIYE oo dhinaca Xukuumadda ah, ayaa ka dambeeyey kulan ay shalay Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha WADDAIN ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ay shalay ku wada-yeesheen xarunta Madaxtooyada, halkaasoo ay dood dheer iyo garnaqsi dhinacyo kala duwan ah ka dib Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku aqbalay qabashada Shirka Doodda Qaran ee Mucaaridku waday Xukuumadda iyo Xisbigeeduna ka soo horjeedeen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.