Warbixin ku saabsan Laalista Dacwadda Maxkamadda ICC kaga socotay Madaxweynaha Kenya

Hague(Aftahannews):- Maxkamadda dembiyada dagaal ee caalamiga ah ee ICC oo ku taalla magaalada Hague ee waddanka Netherland, ayaa shaaca ka qaadday inay tuurtay ama laashay Dacwadda ku socotay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo laba bilood ka hor markii ugu horreysay hor-tegay markii Maxkamaddaasi u jartay Waaran qabasho ah hadduu 8 maalmood gudohood ku hortegi waayo.

DACWADDA UHURU

Uhuru Kenyatta reviewing troops before addressing parliament in Nairobi, when he said he would go to

Maxkamadda dambiyada dagaalka caalamka ee ICC, ayaa Warkan shaacisay Jimcihii Maanta, iyadoo sheegtay inay tuurtay guud ahaan Dacwado ka dhan ahaa Xuquuqda Aadamaha iyo abaabulka dembiyo dagaal oo ee loo haystay Madaxweynaha waddanka Kenya Mr. Uhuho Kenyatta.

Waxa Dacwaddan Kenyatta ka dhanka ahayd sidoo kale qayb ka ahaa oo iyagana eedaymohoodu kiiska ku jireen Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya iyo Suxufi Idaacad Kenya ku taalla ka hawlgalayey markii uu dhacay dagaalka sababay dhimashada in ka badan kun qof iyo kumannaan ku barakacay dalkaas dabayaaqada 2007 illaa bilaa bilawgii 2008, ka dib ku dhawaaqistii Natiijada Doorashadii Madaxweyne-nimo ee dalkaas ka dhacday sannadkii 2007-dii.

Dacwad-oogaha Maxkmaadda ICC oo ah Haweenayda Madawga ah ee lagu magacaabo Fatou Bensouda, ayaa sheegtay inay laaleen Dacwaddaas, hase-yeeshee, waxay ku doodday inay Dacwadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta loo haysto dib u soo celin karaan keliya hadday helaan caddeymo cusub oo ku filan. Iyadoo xustay in la waayay hadda caddeymo ku filan Dacwaddan oo ay ku sii socon karto ama lagu sii wadi karo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ICC, ayaa qoraal ay soo saareen Arbacadii inna dhaaftay ku sheegay inay muddo hal toddobaad ah u qabatay in Xeer-ilaalinta Maxkamadda ay u keento caddeymo ku filan Dacwadda loo haysto Kenyatta, iyagoo xusay in dib u dhac ku yimaaddaa ay tahay mid ka hori-maanaysa caddaaladda, waxaanay taasi keentay in maanta si cad loogu dhawaaqo in Dacwaddaas loo waayay wax caddeymo ah oo ku filan, sidaa awgeedna la laalay ama la tuuray.

“Caddeymo ku filan uma hayno Dacwadda loo haysto Uhuru Kenyatta, taasoo keentay in Maxkamaddu ay joojiso Dacwadda intaannu ka helayno caddeymo cusub oo ku filan Dawcaddan ka dhanka ah Madaxweyne Kenyatta.” Sidaa ayay tidhi Dacwad-oogaha Maxkamadda ICC Fatou Bensouda ka hadashay Maxkamadda horteeda Jimcihii Maanta.

Inkasta oo uu Kenyatta marar badan oo hore diiday tegista Maxkamaddaas, mararka qaarna dib in loogu dhigo ka codsay, wakhtiyada qaarna uu ololayaal la doonayo inay Kenya Maxkamaddaa xubinnimadeeda kaga baxayso ka abaabulay Ururrada Midawga Afrika, IGad iyo Baarlamaanka dalkiisa oo ku dhawaaqay inay aqoonsiga kala laabteen Maxkamaddaas.

Haddana, billowga Bishii October ee lasoo dhaafay ee sannadkan aynu ku jirno ee 2014-ka, ayay ahayd markii Markii Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu hortegay Maxkamadda ICC oo ku taalla magaalada Hague ee dalka Netherland ama Holland, markaasoo ay Maxkamaddu ugu yeedhay inuu goob-joog u ahaado Dacwadda ka dhanka ah.

Waxaanu maalin ka hor markii uu baxayey lixdii 6-dii October Ku-xigeenkiisa si ku-meel-gaadh ah ugu sii wareejiyey hoggaaminta dalkiisa si uu isagoo shaqsi ah u hortago Maxkamadda, isagoo toddbadii bishana u baxay Hague, isla markaana 8-dii October hortegay Maxkamadda, inkasta oo aan go’aan rasmi ah oo markaas Maxkamaddu ka gaadhay dacwaddiisa jirin, marka laga yimaaddo dhegaysiga Doodaha Dacwad-oogayaasha Maxkamadda iyo Difaacayaasha Kenyatta, isagoo markaas Kenyatta ku dooday inaanu eedaymahaas qabin. Waxaanu kiiskani socday 2008-dii iyo illaa maanta oo Dacwaddaasi Maxkamaddu joojisay illaa intay caddaymo ku filan u helayso.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.