Isku Aadka Wareega 16ka Champions League oo La Soo Saaray iyo Kooxo Waa weyn oo isku dhacay

 

Nyon (Aftahannews):- waxaa la soo saaray isku aadka 16 ka kooxood ee horyaalka yurub ku tartamaya oo ay isku djhaceen kooxihii ugu awoodda bandaa  isla  markaana ay iskaga hor imanayaan macalimiin kubbadda cagta ah iyo ciyaarty ay hore u soo laylyi jireen.

 Waxaa xilli dhow magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu qabtay isku aadka wareega 16ka Champions League, waxaana ka soo baxay kulamo xiiso badan halka kooxaha qaar ay heleen kulamo ka sahlan kuwii ay filayeen.

Kulanka ugu xiisaha badan ayaa ah kooxda ay ugu horeysa wareegan 16ka ee Champions League Manchester City oo lugta hore soo dhaweyn doonta kooxda Barcelona, kulankaan ayaa ah kulanka la is odhan karo waa ka isha lagu heyn doono.

Sidoo kale kooxda difaacaneysa koobkan ee Bayern Munich ayaa lugta hore ee wareegan u safri doonta Arsenal iyadoo labada kooxood ay isa soo arkeen xilli ciyaareedkii hore isla tartankan.

Tababare Jose Mourinho ayaa helay wixii uu rajeynayay iyadoo ay iska horimaanayaan halyeeygiisii hore Didier Drogba marka Galatasaray iyo Chelsea ay iswajahaan.

Man United ayaa isku aad sahlan heshay waxaana ay lugta hore ee wareega 16ka booqan doonaan kooxda Giriigga ee Olypiakos, halka kooxda heysata todobada jeer Champions League ay ka badbaaday kooxaha waa weyn laakiin waxaa ku soo aaday kooxda haatan ka muuqata La Liga ee Atletico Madrid.

Kooxda ceydhsaneysa koobkeeda 10aad ee Champions League Real Madrid ayaa iyadana heshay isku aad yara fudud waxaana ay wareega 16ka wajahayaan kooxda reer  Jarmal Schalke.

Lugta hore ee wareega 16ka waxaa la ciyaari doona 18ka iyo 19ka iyo 25ka iyo 26ka ee bisha Febraayo, halka lugta labaad la ciyaari doono 11-12 iyo 18-19 March.

Isku aadka wareega 8da ayaa isna si gooni ah loo qaban doonaa 21ka March, halka Semi-finalka isku aadkiisa isna si gooni ah loo qaban doono 11ka April. Koobka Finalkiisa waxa uu ka dhacayaa garoonka Estádio do Sport Lisboa ee Benfica 24ka May.

 

Isku Aadka Wareega 16ka Oo Dhameystiran:

 

 

 

Manchester City v FC Barcelona

Olympiakos v Man United

AC Milan v Atletico Madrid

Bayer Leverkusen v PSG

Galatasaray v Chelsea

Schalke v Real Madrid

Zenit v Borussia Dortmund.

 Arsenal v Bayern Munich

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland