Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad kulul iyo hanjabaado kala duwan ka jeediyey Muqdisho

“Dalkani wuu ka dhammaaday keli-talisnimo in laga abuuro, maanta Soomaaliya kama suurawdo maamul aan raalli laga ahayn..Maanta Soomaaliya in kooxi talada isku koobto…”

“Dawladdu maanta ma joogto meel ay Dadka u qorto Warqad Dhakhtar ee ay odhan lahayd Bulshada waataas dawadiinni…” Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

XASAN SHEEKH

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay Muqdisho ka jeediyey Khudbad uu Bulshada Soomaaliya iyo Beesha caalamka-ba kula hadlayo, isla markaana waxa ay Khudbaddiisan oo dhinacyo kala duwan taabanaysaa ku soo beegantay wakhti khilaaf cakiran iyo iska-hor-imaad siyaasadeed ka dhexeeyo Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay inaanay Soomaaliya aqbalaynin inta Jilbaha la qabto in halka ay maanta taagan tahay iyo meel ka liidata lagu hayo oo lagu jilib-xidho, waxa kale oo uu ka hadlay in hoggaaminta siyaasiga ah la isku khilaafi karo, balse aanay habboonayn in burburinta dawlaadnimada looga faa’iidaysto.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay inay Ciidammada dawladda Soomaaliya meel fiican marayaa tiro ahaan iyo tayo ahaanba, deegaanno badanna kaga guulaysteen Al-Shabaab, balse waxa uu qiray inaanu weli ka muuqan nidaam isu dhaf ah oo muujinaya Federaalka laga hirgelinayo Soomaaliya. Waxa uu xusay in xilligan la marayo wakhtigii Xafiiska dawladeed ee shaqayn waaya ama loo arko inaanu danta dalka iyo bulshada ka turjumaynin is-beddel dhab ah lagu sameeyo.

Waxa uu ku dooday Xasan Sheekh inay Soomaaliya soo dhaaftay xilligii keli-taliyaha, xilligii hal qof ama kooxi talada jari lahayd, balse loo baahan yahay in dawlad iyo shacabba gacmaha la is-qabsado oo wada-jir looga wada shaqeeyo horumarka iyo xasillooni buuxda oo dalka Soomaaliya laga hirgeliyo.

Khudbaddaas dhinacyada badan taabanaysay ee uu Xasan Sheekh Maxamuud xalay ka jeediyey Warbaahinta isagoo ku sugan Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, waxaannu iyadoo dhammaystiran oo uu inta badan bulshada kula hadlayo idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee AFTAHANNEWS/RADIO codkiisa ee dhegaysi wanaagsan.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.