Lammaane Aflagaaddeeyey Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo sidii loo garaacayey Nafta laga jaray

Lahore(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha waddanka Pakistan Nawaz Sharif, ayaa ku qeexay arrin fool-xun oo aan la aqbali karin dilka lamaane Masiixiyiin ahaa oo dad badani ay ku dileen meel ku dhaw magaalada Lahore ee dalkaas ka dib markii ay Aflagaaddeeyeen Qur’aanka Kariimka ah.

DAD QUR'AANKA AFLAGAADDEEYEY OO LA DILAY

Sidoo kale, Raysal-wasaaraha Pakistan, waxa uu sheegay dal Masuuliyad qaaday aanu aqbali karin dil goobasho ah ama dad badani ay ka qeybgaleen oo dad nool-nool nafta lagaga jaray. Lammaanahan Museexiyiinta ah, ayaa sidii loo garaacayey aakhirkii dhintay.

Lamaahan oo la sheegay inay da’yar ahaayeen, ayaa shalay oo Talaado ahayd la garaacay illaa ay ka dhintaan, taasoo ay ka qeybgaleen Boqollaal qof oo ku nool deegaan yar oo ku yaalla dalka Pakistan, oo qiyaastii 60-KM u jirta magaalada Lahore.

Waxaa Lamaanahan lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Kitaabka Qur’aanka Kariim ka ah. Waxaana arrintaas maanta bannaan-bax ay ku diiddan yihiin, isla markaana kaga soo horjeedaan ka sameeyey magaalada Lahore illaa 200 oo qof oo ah dad Masiixiyiin ah, kuwaasoo ka cadheysnaa tallaabada dilka ah, waxaanay dalbadeen in is-beddel lagu sameeyo sharciyadda aflagaaddeynta Diimaha ee dalkaasi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.