Axmed Siciid: Suxufigii u horreeyey ee Gobolka Saaxil Doorashada Golaha Wakiillada isaga soo taaga

Berbera(Aftahannews):- Axmed Siciid Maxamed oo ka mid ah Dhalinyarada Weriyeyaasha ah ee ka hawlgala magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa shaaciyey inuu u yahay Musharrax u taagan doorashada Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana uu ka mid noqon doono haddii Illaahay yidhaahdo Musharrixiinta Xildhibaannimada gobolkaas ugu tartama doorashada.

Musharrax Axmed Siciid Maxamed

Axmed Maxamed Siciid, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wakhtigiisa, aqoontiisa, fikirkiisa iyo maskaxdiisaba ugu shaqeeyo dadkiisa iyo dalkiisa, isla markaana uu xal u arkay meesha uu ugaga faa’iidayn karo dadkiisa iyo dalkiisa Somaliland inuu yahay Golaha Wakiillada Somaliland oo ka mid ah labada Gole ee Sharci-dejinta, maaddaama oo Sharciga iyo Shuruucdu yihiin kuwa hagaya dalka iyo dadka-ba.

Qoraal kooban oo uu Maanta ka soo saaray magaalada Berbera Suxufiga Axmed Siciid, ayuu ku faahfaahiyey warkan, waxaana War-Saxaafadeedkiisa kooban oo Nuqul ka mid ah Aftahannews helay waxa uu u dhignaa sidan:- “Aniga oo ah Axmed Maxamed Siciid, kana mid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee reer Saaxil, wakhtiganna ka tirsan Bahda Saxaafadda Somaliland ee gobolkaas, waxaan go’aansaday inaan isu soo taago ama ka mid noqdo Musharrixiinta u tartamaya doorashada lagu soo dooranayo Xildhibaannnada Golaha Wakiillada Somaliland oo la filayo inay qabsoonto badhtamaha sannadka soo socda.

Waxay arrintani igu dhalatay markaan arkay talooyinka iyo soo-jeedimaha Axsaabta, Ehelka iyo Saaxiibbadayda aannu kala talo-qaadanno, markaan qiimeeyey hankayga iyo himiladayda qof ahaaneed ee ah inaan mar uun gaadho meel aad dalkayga iyo dadkayga reer Somaliland wax uga qaban karo, waxaan go’aansaday inaan isu sharraxo doorashada Golaha Wakiillada, una tartamo haddii Illaahay raalli ka noqdo oo ka mid noqdo Musharrixiinta u tartami doona Xildhibaannada Golaha Wakiillada.

Waxaanan ka sharraxanay gobolka Saaxil laga bilaabo maanta, dadkayga reer Saaxil-na waxaan ka qabaa kalsooni badan inay isiin doonaan codka aan ku gaadhi karo Xubin Baarlamaan, waxaanan gadaal ka shaacin doonaa haddii Illaahay yidhaahdo Xisbiga aan ka sharraxanahay oo aan weli ka fiirsanayo.”

Axmed Maxamed Siciid, ayaa noqonaya Suxufigii saddexaad ee ka tirsan Weriyeyaasha Somaliland ee shaaciya inuu u sharraxan yahay Xildhibaannada Golaha Wakiillada doorashada sannadka dambe soo socota, balse waxa uu noqonayaa Weriyihii ugu horreeyey ee sheega inuu gobolka Saaxil ka sharraxan yahay iyaga oo labada Weriye ee kale ee Cabdi Almis iyo Xuseen Xarbi Hargeysa ka sheegeen inay gobolka Maroodi-jeex doorashada Wakiillada uga tartami doonaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.