Askar Is-dhunkaday oo Ciidanka laga eryey, Aragtida Bulshada, Cidda Sawirtay & tallaabada laga qaaday

Kagera(Aftahannews):- Laba Askari oo u dhashay waddanka Tanzania, kana tirsanaa Ciidanka Ammaanka ee dalkaas, ayaa shaqada laga eryey ka dib markii ay Ninkan iyo Gabadhan Askarta ahaa meel bannaan isku dhunkadeen.

Tanzania

Sawirrada laga qaaday labadan askari ayaa lagu soo daabacay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ka dibna waxaa laga muujiyay cadho xoog leh. Askartan is-dhunkatay ayaa lagu eedeyeey anshax-darro iyo inay Bulshada horteeda wax qalad ah ku sameeyeen.

Labadan Askari, ayaa waxay ka shaqaynayeen magaalada Kagera ee Galbedka dalka Tanzania, waxaanay is-dhunakdeen iyagoo xidhan Lebbiska ama Dirayska Ciidanka Booliska ee ay ka tirsanaayeen, taasoo loo arkay inay ahayd arrin anshax-xumo ah.

Sawirkan waxaa Shabakadaha Internetka soo geliyay Askari kale oo ah Ninka Sawirka ka qaaday Ninkan iyo Gabadhan Askarta ka tirsanaa oo si badheedh ah isu dhunkanaya, Askarigaa Sawirka qaaday ee baahiyey oo isna sidoo kale shaqada laga eryey.

Bulshada Sawirka aragtay ayaa siyaabo kala duwan u dhiibtay afkaartooda. Qaar ka mid ah dadka Tanzania ayaa sheegay in aysan munaasab ahayn in askari shaqada looga eryo dhunkasho awgeed.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.