Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo ka digay Dhibta Shirkadda TELESOM ku hayso Bulshada

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka Somaliland, ayaa ka digay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom iyo qaar ka mid ah Warbaahinta Xayaysiisyada beenta ah u sameeya Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ugu baaqay inay ka waantoobaan, isla markaana waxa uu uga digay inay dusha ku qaadi doonaan masuuliyadda halista ka dhalata buun-buuninta iyo been-abuurka ay Telesom u samayso Ajaanibka Ganacsiga Caafimaad loo keeno dalka Somaliland.

Telesom_Logo

DR. AXMED XAASHI ODAY GUDDOOMIYAHA GUDDIGA MIHNADLAYAASHA CAAFIMAADKA QARANKA

Guddoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Odey, ayaa sheegay in dhibaato badan iyo halis aan la qiyaasi karin ay Bulshada Somaliland ku hayaan Dhakhaatiirta sida been-abuurka iyo Buun-buuninta ah ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM farriimaha ugu qaybiso Taleefannada gacanta lagu qaato ee Kaadhka ay iibiyaan ee dadweynuhu inta badan isticmaalo ama sito, iyadoo Shirkaddu sheegta in Dhakhtar tobon Cudur iyo in ka badan dawaynayaa dalka yimi, taasoo uu ku tilmaamay wax caqliyadda dadka lagu caayayo, isla markaana lagu dhiig-miiranayo Bulshada oo been loo sheegayo.

Dr. Axmed Xaashi Oday oo Axaddii shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sidoo kale u digay Dadka ku mamay ka Ganacsiga Caafimaadka ee Dhakhaatiirta bilaa tayada ah dalka keenaya si ay Lacag Shacabka ugaga urursadaan inay wax ka qaban doonaan, balse ay soo dhawaynayaan ciddii keenta Dhakhaatiir aqoon leh oo ay Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee uu Guddoomiyaha u yahay hubiyaan intaan dalka la keenin ka hor.

Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Dhakhaatiirtan dibedda laga keenaa mid waliba wuu yaqaannaa sharciga dalkiisa ka jira, laakiin ninka Muwaaddinka ah ee reer Somaliland ayaa odhanaya halkan sharci kama jiree kaalay ka shaqayso isagoo lacag doonaya, iska shaqayntaasina waxa ay noqonaysaa inuu dalkiisa uun laayo ama dadkaaga cudurrada aad galinayso aad ku layso.”

“Markaa, dadka xayaysiinaya ee odhanaya Dhakhatar toban Cudur yaqaanna ayaa jooga Lacagta aaad ka qaadanaysaa waa taad dadkaaga ku laynaysay, ka leh ka faa’iidayso ummaddaada ayaad laysay, waayo? Dhakhatar toban Cudur yaqaannaa Adduunka ma jiro.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday.

Dhakhtar Axmed Xaashi Oday oo ka hadlaya sida ay Guddi ahaan u arkaan cidda Dhakhtar fiican oo aqoon wacan leh dalka keenta waxa uu yidhi; “Haddii aannu Xafiiska nahay (Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Qaranka) waannu soo dhawaynaynaa ciddii Dhakhtar wanaagsan keenaysa, isagoo dalkiisa jooga noo keena Waraaqihiisa, mid kasta oo samayn kara wixii aanay kuweennu samaynayn waannu soo dhawaynayanaa.”

Guddoomiya Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Qaranka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday oo la hadlaya Shirkadda Is-gaadhsiinta ee TELESOM iyo Warbaahinta qaarkood waxa uu yidhi; “Waxaannu leenahay Telefiisannada, Jaraa’idka iyo Shirkadda TELOSOM, ummadda ha luggoynina, wixii luggooyo ah ka ilaaliya, Dhakhtarka aad xaysiisaan ha noqdo mid aqoon leh oo waxa aad u xaysiinaysaan yaqaanna, aadna uga taxadira ayaannu leenahay.”

“Dhakhtarka lagu leeyahay Dhakhatarrada la leeyahay toban Cudur ayuu ku takhasusay waar caqligaaga la kaasho, Dhakhtarku waa imisa jir adduunka ma ka jirtaa in Dhakhtar ku takhasuso toban Cudur? Waxa wanaagsan in aad ogaataan in Xafiiska Mihnadlayaashu ma soo ansixiyeen?.” ayuu yidhi Gudoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka Somaliland.

Dr. Axmed Xaashi waxa uu ummadda u soo jeediyay inay kala saaraan Caafimadka iyo Qabyaaladda, waxaanu yidhi; “Waxaannu leenahay Bulshada halla kala saro Caafimaadka iyo Qabyaaladda, haddii aad immika diiddo nin Dhakhatar wata inuu yidhaahdo kii reer hebel ayaa diiday Dhakhtarkaygii, waxaa aannu reer Somaliland ka codsaynayaa Dhakhaatiirta in la keeno idiinma diiddanin.”

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa hore uga digtay dhibaatada ka dhalanaysa Farriimaha ay Taleefannada gacanta ee kaadhkeeda ku shaqeeya ku dirto Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ka dib markii Haweenay reer Somaliland ahi ku dhimatay Qalliin uu ku sameeyey Dhakhtar Ajaanib ah oo mid ka mid ah Cusbitaallada gaarka loo leeyahay ee Hargeysa qaab Ganacsi loo keeno, taasoo eedday Farriin ay Shirkadda Telesom ugu dirtay Taleefankeeda gacanta.

Wasiir Ku-xigeenku waxay sheegtay in maalaha qaar in ka badan Toban Farriimood ay Shirkadda TELESOM ugu dirto Taleefankeeda Gacanta, Farriimahaas oo keliya ay ku xayaysiinayso Telesom dad Dhakhaatiir loogu yeedhayo oo Hab ganacsi oo ay Shirkadda Lafteeda dadka qaar sheegaan inay qayb ka tahay loo keenay dalka si loogu baadho Shacabka reer Somaliland.

Waxay Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadku xustay inay Shirkadda Telesom Farriimeheeda ku sheegto; “Dhaqtar caynkaas ah oo toban cudur, labaatan cudur, dhammaan cudurrada daweeya ayaa Dhakhtar hebel kuugu diyaar ah ee hore u gaadh intaan diiwaangelintu kaa buuxsamin.” Taas oo ay Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Somaliland sheegtay inay tahay wax lala yaabo, isla markaana ay Wasaarad ahaan wax ka qaban doonaan.

Shirkadda TELESOM, ayaa ah Shirkadda ugu weyn is-gaadhsiinta dhinaca Taleefannada gacanta lagu qaato ee dalka Somaliland, waxaanay Shirkaddaasi u muuqataa mid bilawday Ganacsi fool-xun oo ay ku waxyeellaynayso Caafimaadka Bulshada ay faa’iidada ka hesho, maaddaama oo aanay u naxariisanaynin Shacabka ay ka macaashto lacagta badan ee ay maalin-walba farriimaha beenta iyo buun-buuninta isugu jira ugu dirayso Taleefannada ay sitaan ee ay ku jiraan kaadhadhka ku hadalka ee ay shirkaddu dadka ka iibiso, iyadoo Gabadhaas ay sahayatay Farriinta Telesom Taleefankeeda ugu dirtay Boqollaal kale oo ka badan oo aan la ogeyn inay sahayatay ay jiri karaan, isla markaana in badan oo kale ay dhibaatadaasi sahan yan karto haddii aan wax laga qaban iyada oo loo tudhayo Bulshada danyarta u badan ee halkii ay gargaarka uga baahnaayeen Noloshooda laga ganacsanayo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.