Beel Habar-jeclo ka mid ah oo si weyn uga soo horjeestay Madaxweyne Siilaanyo, Sir culusna Fashilisay

“Waa Samays, Dillaaliin iyo Shirkado la innagu dul-sameeyey ee Beel ahaan waxaannu leenahay ka kaca.. Waa Shirkado Been-abuur ah oo la doonayo in Khayraadka dadka iyo dalka ka dhaxeeya lagu booboo o heshiisyo suuq-madoow ah oo aan Baarlamaanka la geyn lala galay..” Beel Habar-jeclo ka tirsan

London(Aftahannews):- Qurbo-joogga Beesha Yoonis Cabdiraxmaan oo ka mid ah Beelaha Habar-jeclo, ayaa shir ay ku yeesheen magaalada London ee waddanka Ingiriiska, ka soo saaray go’aammo adag oo ay ku dhalliileen hoggaaminta Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ay sheegeen inuu ku fashilmay hagidda dadka iyo dalka lagu aamminay ee uu u dhaartay inuu daacad u noqonayo, waxaanay sareen boogaha qodobbada uu ku fashilmay Madaxweynuhu.

Guddoomiyaha Qurbo-joogga Beesha Yoonis Cabdiraxmaan ee Habar-jeclo Maxamed Cabdi Halac, ayaa shan qodob oo ad-adag, isla markaana ay wax badan oo dadan ku muujiyeen ka akhriyey Barnaamij gaar ah oo uu u duubay Talefeshinka Horn Cable Xafiiskiisa London. Waxaanu Maxamed Sheegay in Madaxweynaha taladii lagu aamminay ee uu u dhaartay uu gacanta u geliyey kooxo xidhiidh la leh kooxo kale oo uu sheegay inaanay u danaynin dadka iyo dalka toona. Waxaanu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo hadduu caawa dhinto magac-xumo iyo maga-xumo la god-geli doono.

Waxa kale oo qodobbada uu akhriyey ee uu sheegay inay ku go’aamiyeen shirka ay ku yeesheen London ku sheegay in Shirkadaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland heshiisyada Qarsoodiga ah ee aan Baarlamaanka la marin la gashay yihiin kuwo xaaraan ah, isla markaana aanay ahayn Shirkado caalamka ka diiwaangeshan ee ay yihiin shirkado intii Xukuumadda Siilaanyo jirtay loo samaystay in lagu lunsado khayraadka Somaliland oo lagu fadhataysto Shidaalka iyo Macdanta dalku leeyahay ee dadku wada leeyihiin.

Sidoo kale, waxa uu Maxamed sheegay in Xukuumadda Siilaanyo marar badan oo ay wadahadallo yeesheen illaa Madaxweynaha, haba-yaraatee wixii ay ka wadahadleen beel ahaan aan waxba laga hirgelin, isla markaana markii dambe lagu bilaabay in iyaga laftooda Xukuumaddu dagaal qaawan ku qaaddo, waxaanu walaac ka muujiyey Ciidammada gaarka ah ee loo sameeyey ilaalinta Shirkadaha sahaminta iyo soo saarista Shidaalka.

Waxa uu dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay inay dulmiga iyo xaq-darrada dhinac uga soo wada-jeestaan oo ay ku kacaan Xukuumadda Siilaanyo waxyaabaha xumaanta iyo xad-gudubka ah ee ay Bulshada ku hayso ee la arkayo ee muuqanaya ee haddana la dugsanayo, inaan la dugsan ee laga hor-jeesto ayuu u soo jeediyey qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland oo uu ku tilmaamay Beelo heshiisyo ku midoobay oo Qaran ku noqday, balse wixii ay ku heshiiyeen iyo Shuruucdii Qaran ee ay samaysteenba waxa uu ku eedeeyey inay Burburiyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu.

Haddaba, Warkan oo ah War dhinacyo badan taabanaya, isla markaana wax badan iftiimanaya Waxaannu isagoo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijkaas Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.