Shir lagu taageerayo Ammaanka Soomaaliya oo London ka furmay & Nuxurka hadal Raysal wasaaruhu ka jeediyey

London(Aftahannews):- Shir ay ka qaybgaleen Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa iyo Hay’adaha Ammaanka ee heer Qaran ka tirsan, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada London ee waddanka Ingiriiska, kaasoo lagaga hadlayo sidii loo taageeri lahaa loona horumarin lahaa Ammaanka dalka Soomaaliya.

shirka ammaanka Soomaaliya lagaga hadlayo ee ka furmay LONDON

Shirkan oo taageero dhaqaale loogu raadinayo dhismaha Ciidammada qalabka sida iyo Amniga Soomaaliya muddo saacado ahna soconayay, ayaa Arbacadii maanta ka furmay magaalada London ee xarunta waddanka Britain, iyadoo uu shirkan si rasmi ah u furay Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Shirka oo ka furmay Lancaster House ee London, ayey ka qaybgaleen Wefti uu hoggaaminayo Ra’iisul waasaraha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin; Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyeyaasha Ciidammada Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow iyo xubno ka socda Inigriiska, UNSOM, AMISOM, Midawga Yurub (EU), Urur-goboleedka IGAD, dawladaha Jabuuti, Itoobiya, Burundi, Kenya, Uganda, Talyaaniga, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Mareykanka.

Waxaa Shirkaas saacadaha uu socdo diiradda lagu saarayay sidii xal loogu heli deeqaha la siiyo Soomaaliya, dhismaha ciidamada Soomaaliya si ay u noqdaan kuwo si wanaagsan u gudan kara howlahooda.

“Kulankan wuxuu kusoo beegmayaa xilli wanaagsan oo aan horumar weyn ka sameynay dhinacyada ciidamada iyo siyaasadda. Waxay dowladdu qarka u saaran tahay inaan ku burburiso Al-shabaab howlgallada socda iyo sidoo kale dilkii hoggaamiyihoodii Godane. Tanina waa fursad weyn.” Sidaa ayuu yiri Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed oo hadal ka jeediyey shirkaas.

Waxaanu Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh oo hadalkiisa sii watay intaas ku laray oo yiri; “Si arrintaas loo xaqiijiyo, waxaan u baahannahay taageeradiinna. Innaguna waxaan idiin ballanqaadaynaa inaad maqashaan ama arki doontaan qorshaheenna oo aan dhameystirnay, waana mid aan mudnaan weyn siinayno.”

Mar uu Raysal-Wasaaraha Soomaaliya ka hadlayey shirarka Xukuumaddu waddo ee dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo Beelaha dalka waxa uu yiri; “Waxaan hubanti ah in horumar la sameyn karo marka ay jirto dib heshiiisiin dhab ah oo dhexmarta Soomaalida oo dhan. Waxaana muhiimada ugu weyn siinaynaa sidii aan 12-ka bilood ee soo socda horumarro u gaarsiin lahayn dalka.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.