Madaxweyne Siilaanyo oo Qancinta Mucaaradka kaga Mashquulay Ololaha Waran-cadde Diiwaangelinta Khilaafku hadheeyey

“Diiwaangelinta Madaniga ah inaynaan cidna ugu habran waa waajibaad inna wada saaran…..” Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qancinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee khilaafka ka taagan diiwaangelinta Madaniga ah iyo buuxinta ballanta ay la galeen Masuuliyiinta WADDANI iyo UCID, kaga mashquulay ololaha qiil-u-raadinta hirgelinta diiwaangelintaas khilaafku ka taagan yahay oo ay Mucaaradku qaaddeceen Khamiistii toddobaadkii hore.

WARAN-CADDE QALABKA DIIWAANGELINTA IYO MADAXWEYNE SIILAANYOkulanka siilaanyo iyo ururrada Bulshadaololaha waran-cadde iyo mashquulka Siilaanyo madaxweyne siilaanyo iyo wasiir waran-cadde

Madaxweynaha, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabbilay xubno ka kala socday Ururrada Bulshada aan dawliga ahayn iyo bahda Waxbarashada oo uu Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde soo abaabulay, isla markaana waxa uu buriyey ballan uu lalahaa Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kuwaasoo loo sheegay inaanu Madaxweynuhu maanta la kulmi karin, isla markaana uu ballantii dib ugu dhigay Sabtida soo socota sida ay labada Guddoomiye ku sheegeen Shir jaraa’id oo ay Madaxtooyada dhexdeeda ku qabteen maanta oo Arbaca ahayd.

Ballan-furkan Madaxweyne Siilaanyo waxa ka horreeyey ballan ay Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha Guduhu la lahaayeen Madaxda Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo Salaasadii shalay ka baaqday dhanka Wasiirrada Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo ay illaa xalay sugayeen Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad oo ay ku ballansanaayeen Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, kulankaas loo ballansanaa ayaa weliba codsigiisu ka yimi marka hore dhinaca Wasiirrada Xukuumadda ee haddana wacad-furka sameeyey.

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa hadallo ka jeediyey kulankaas, inkasta oo aanu Madaxweyne Siilaanyo soo hadal-qaadin khilaafkaas ka taagan hirgelinta diiwaangelinta, balse Wasiir Waran-cadde, ayaa si adag ula hadlay Xisbiyada Mucaaradka ah oo uu ku tilmaamay kuwo diidmadoodu tahay hirgelinta ujeeddooyin cadawga Somaliland soo maleegay sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS/RADIO ka dhegayso Codadka Madaxweynaha iyo Wasiirka oo uu ku horreeyo Wasiir Waran-cadde.

 

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hareysa/Somaliland.