Maxamed Kaahin oo ka hadlay waxa keenay in Xukuumadda iyo KULMIYE ku Wacad-furaan UCID & WADDANI?

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay waxa keenay inay shalay ku wacad-furaan Xukuumadda iyo Xisbigeeda Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI oo ay Xukuumadda ku ballansanaayeen inay Salaasadii shalay yeeshaan Kulan lagaga wadahadlo khilaafka ka taagan diiwaangelinta Madaniga ah, hase-yeeshee, isaga riixay dhinaca Kulmiye, iyagoo midkoodna aan ka xaadirin goobta lagu ballansanaa.

maxamed-kaahin

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in KULMIYE diyaar u yahay wadahadalka arrimaha doorashada, balse aanay jirin ballan rasmi ah oo dhex-martay Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID Salaasadii shalay.

“Waxaa jirtay inay shalay galabtii nala soo xidhiidheen Xisbiyada Mucaaradka oo ay Ballan noo qabteen. laakiin, annagu waxaannu u soo jeedinnay inay arrintu deg-deg tahay sidaas darteedna aannu Xisbi ahaan iska arkayno. Islamaannu meel-dhigin Ajandaha Shirka iyo goobta lagu kulmayo midna.waxay xalay soo saareen eedayn ah inaannu kaga baxnay Ballan.”  Sidaa ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Guddoomiyaha oo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay; “Xisbiga KULMIYE waxa uu Ummadda u caddaynayaa inuu diyaar u yahay Wadahadalka. Waxa uu KULMIYE isagoo danaynaya Maslaxadda Ummadda, in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo iyo in Asxaabta taladoodu isku dhammaato in wadahadal lagu dhameeyo wixii jira.”

Masuuliyiin xalay cawayskii dambe shir Jaraa’id ku qabtay Huteel Ambassado ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay weli xilli dambe oo xalay ah illaa gelinkii dambee ee shalay sugayeen Wasiirrada arrimaha gudaha iyo Madaxtooyada oo ay ku ballansanaayeen inay halkaas ku kulmaan, balse uu Wasiirka Madaxtooyadu la soo socod siiyey ama ku soo war-geliyey inay u soo dirayaan Hoggaanka Xisbil-xaakimka KULMIYE oo aanay iyaguna ka soo ag-wareegin.

Wadahadalka ayaa yimi markii ay WADDANI iyo UCID Khamiistii inna dhaaftay soo saareen go’aan wada-jir ah oo ay ku qaaddeceen qabashada diiwaangelinta Madaniga ah oo ay ku tilmaameen mid ay Xukuumaddu ka duday jidkii loo qorsheeyey inay marto, isla markaana ay u leexisay jid ay ku doonayso xeelad ay doorashada iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha dib ugu dhigto.

Markaasoo ka dib ay Xukuumaddu sabtidii soo codsatay wadahadal in lagu dhammeeyo khilaafka ka taaan arrinta diiwaangelinta iyo sidoo kale Xeerka diiwaangelinta ee ay Xukuumaddu curisay oo ay doonaysay inay tahriib ku dhex-mariso Golaha Wakiillada oo ay dhawaan u gudbisay, balse suuragal u noqon waayey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hareysa/Somaliland.