Guddoomiyaha WADDANI Cirro Muxuu ku yidhi Shirka Jaraa’id ee uu ku qabtay Madaxtooyada dhexdeeda?

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Csbdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay kulan ay la yeelan lahaayeen Arbacada Maanta Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga kale ee UCID uu baaqday.

Guddoomiyeyaasha UCID IYO WADDANI FAYSAL IYO CIRRO

Waxa uu Guddoomiye Cirro oo isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Shir Jaraa’id ku wada qabteen Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa markii ay Madaxweynaha waayeen ka dib, isla markaana loo sheegay inay is-arki karaan maalinta Sabtida ah ee soo socota, iyagoo doonayay inay ka wadahadlaan khilaafka ka taagan diiwaangelinta Madaniga ah ee ay labadan Xisbi Khamiistii inna dhaaftay go’aanka ay ku qaaddeceen qabashadeeda soo wada saareen.

Guddoomiye Cirro oo ka hadlaya waxay u tageen Madaxtooyada iyo waxay kala soo noqdeen halkan hoose ee AFTAHANNEWS/RADIO, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa Codkiisa ee dhegaysi habboon.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.