“Waxa jira Dumar, Carruur iyo Rag keliya sugaya inay Dhintaan uun…” Madaxweyne Obama

Washington(Aftahannews):- Madaxweyne Marayakanka Brack Obama, ayaa ka hadlay Cudurka Ebola ee sida xad-dhaafka ah ugu fidaya dalalka Galbeedka Qaaradda Afrika oo ay u dhinteen 2500 oo qof yahay mid halis ku ah guud ahaan dunida.

Sidaa awgeed, waxa uu sheegay in ay dawladdiisu kaga qaybqaadanayso illaa saddex Kun oo Ciidammada Millateriga ka mid ah oo ay geynayso dalalka Galbeedka Afrika si ay dadka ugu tabobbaraan la-tacaalidda iyo xakamaynta cudurkaas.

cudurka Ebola ee faraha ba’an ku haya galbeedka Afrika halis ku tilmaamay halis oo wajahday amniga caalamka isla markaana u baahan jawaab caalami ah.

Obama waxa uu ku dhawaaqay doorka mareykanka ee la dagaalanka cudurkani dilaaga ah. Tallaabooyinka uu Obama shaaciyay wax aka mid ah 3,000 oo askari oo loo dirayo gobolka iyo in la dhiso xarumo caafimaad oo cusub.

140917001332_liberia_ebola_victim_baby_red_cross_512x288_afp_nocredit

Cudurka Ebola ayaa sanadkan oo kaliya waxa uu galaaftay nolasha 2,461 oo qof halka kala bar intaa oo kale ay qabaan caabuqa dhaliya cudurkani, sida ay sheegtay hay’adda WHO.

Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in faafidda cudurkani uu faraha ka baxay isla markaana dadka bukaanka ah ay iska dhimanayaan. “Waxa wax laga xumaado ah inay jiraan dad badan oo ku nool Galbeedka Afrika oo isugu jira Dumar, Carruur iyo Rag uu cudurkani ku dhacay iyo kuwo uu ku sii fidayo oo sugaya keliya inay dhintaan uun.” ayuu yidhi Madaxweyne Obama.

Obama waxa uu ugu baaqay waddamada kale ee caalamka in ay la yimaadaan tallaabooyin ay uga hortagayaan cudurkani maadaama uu sababi karo saameyn siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid amni.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.