“Ku dhawaad 40 dal oo Carabtu ku jirto ayaa nagala qayb-galaya dagaalka aan ku qaadayno Daacish” John Kerry

Washington(Aftahannews):- Ku dhawaad Afartan dal oo ay ku jiraan Waddamada Carabtu, ayaa ka qayb-qaadanaya dagaalka ay dawladda Maraykanku ku qaadayso Kooxda Islaamiyiinta ah ee ka dagaallanta dalka Ciraaq iyo Suuriya, sida uu xaqiijiyey Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanku.

John Kerry iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Dayib Erdogan xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka John Kerry

Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in dalalka Bariga dhexe iyo kuwo kaleba ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dagaalka lala galayo kooxda Daacish ee ka dagaalanta waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

John Kerry, ayaa u sheegay Warbaahinta dalka Maraykanka gaar ahaan Tilifishanka CBS, in dalalkaasi ay diyaar u yihiin in ay dagaal miltari oo dhinaca dhulka ah la galaan ururka, arrintaasi oo taageeri doonta duqaynta dhinaca cirka ah ee ay diyaaradaha Maraykanku fulinayaan.

Xoghayaha oo ka soo laabtay socdaal uu ku tagay Bariga Dhexe, ayaa sheegay inay sii badanayaan dalalka diyaarka ah u ah inay ciidamo u diraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Kerry ayaa sheegay in ololaha ka dhanka ah ururkaasi ay qayb uu qayb ka noqon doono dadaal dhinaca gargaarka ah iyo la dagaalanka fikirka khaldan ee ay kooxdaasi ka bixinayaan islaamka saxda ah.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu cambaareeyay dilka David Haines oo ahaa nin British ah oo la haystay waxa ayna ku tilmaameen dil naxariisdarro ah oo fulaynimo ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.