Madaxweyne Siilaanyo oo Madal la isku arkay ka sheegay in Xirsi yahay Wasiirka Wasiirrada Xukuumaddiisa!

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay shaaciyay awoodda uu dedi jiray ama isagu hore u qarin jiray, balse Bulshadu la socotay ee uu leeyahay ama isaguba siiyey Wasiirka Madaxtooyda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inuu Wasiir Xirsi yahay Wasiirka Wasiirrada. “Waxa aad u sharxay ahmiyadda ay diiwaangelintu leedahay Wasiirka Wasiirrada! Markaa, waxaan ILLAAHAY ka rejeynayaa sidaa la idinku faah-faahiyay inaad ka wada hawlgashaan, oo hawshaasi noqoto hawl qaran oo aynu xil iska saarno.” Sidaa ayuu yidih Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo maanta hadal ka jeediyey kulan uu la yeeshay Guddoomiyeyaasha gobollada iyo Maayerrada Magaalooyinka kala duwan ee dalka oo maalmahanba ay Wasaaradda arrimaha gudaha isla eegayeen sida ay diiwaangelinta Muwaaddiniintu uga qabsoomi lahayd dalka inta bishan lagu jiro.

Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka iyo Hadallada Wasiirka Madaxtooyada iyo Madaxweynaha Somaliland ee Daawasho Habboon.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hareysa/Somaliland.