Masuuliyiinta & Shacabka Soomaaliya oo looga digay Weerarro culus oo Al-Shabaab ku aar-goosan karto

Muqdisho(Aftahannews):- Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku dhaqan, ayaa looga digay weerarro argaggixiso oo ay Kooxda Al-Shabaab isku dayi karto inay ku aar-goosato.

Al-shabaab-131dddd

Digniintan ayaa timi maalin ka dib markii la xaqiijiyey in hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane dhintay sida ay caddeeyeen xalay dawladaha Maraykanka, Soomaaliya iyo Al-Shabaab-ba xaqiijiyeen in lagu dilay weerar kawdii bishan Diyaaradaha USA ka fuliyeen gobolka Shabeellada hoose ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg, ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta dawladda iyo dadka rayidka ahba in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan, maaddaama oo ay Al-Shabaab qorsheynayaan weerarro aargoosi ah oo ay ugu aaraan dilka Amiirkoodii Godane.

Waxa uu Wasiir Ereg sheegay in laamaha Ammaanka Qaranka iyo dhammaan Ciidammada qalabka sida heegan sare la geliyey si ay uga hortagaan tallaabo kasta oo ay Al-Shabaab isku daydo inay ku khalkhaliso nabadgelyada Soomaaliya, isla markaana ku aar-goosato.

“Waxaan ugu baaqaynaa ummadda Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiita dawladda inay foogjnaadaan iskana ilaalinayaan kooxanaha nabad-diidka ah oo samayn kara weerarro naf la caarinnimo ah…Arrintaas dowladdu way ka diyaar-garowday, waxaanay heegan gelisey dhammaan Ciidammada qalabka sida.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya.

Wasiirka Amnigu  wuxuu baaq u diray Bulshada, isagoo ka codsaday inay laamaha ammaanka si joogto ah gacan uga siiyaan sugidda ammaanka iyo weliba sidii looga hortegi lahaa cid kasta oo nabadgelyada khatar gelin karta.

Warka ku saabsan dilka hoggaamiyaha Ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, wuxuu soo baxay Isniintii lasoo dhaafay oo ku beegnayd Sep 1/2014), markaas oo diyaaradaha Maraykanku ay duqeeyeen goob ay ku sugnaayeen Saraakiil sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo Gantaalo ay la eegteen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku.

Waxaana si rasmi ah loo xaqiijiyey inuu weerarkaas ku dhintay Axmed Cabdi Godane Xalay oo ay Wasaaradda Difaaca Maraykanka iyo dawladda Soomaaliya-ba sheegeen inay caddeeyeen dhimashadiisa, isla markaana in la dilo Godane ay tahay guul laga gaadhay dagaalka lagula jiro Argaggixisada iyo dhabar-jab iyaga loo geystay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.