Madaxweyne Siilaanyo oo soo saaray Digreeto uu ku dhaqan-geliyey ilaalinta Deegaanka Somaliland

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta soo saaray Wareegto uu ku dhaqan-geliyey ilaalinta Deegaanka, isagoo Hay’adaha dawladda iyo qaybaha Bulshadaba faray in ilaalinta deegaanka ay ku xidhan tahay bilicda, caafimaadka dadka iyo duunyada ku dhaqan Somaliland.

madaxweyne siilaanyo

Wareegtada uu Madaxweynuhu ku dhaqan-geliyey ilaalinta deegaanka oo galabta ka soo baxday Xafiiska Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews waxay u dhignayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa Wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-2689/092014, ka

soo saaray kuna dhaqan geliyey Ilaalinta Deegaanka.

Wareegto Madaxweyne

Ku:      Dhammaan Wasaaradaha                                                                  Xarumahooda

Ku:      Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dawladda                                    Xarumahooda

Ku:      Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka                                         Xarumahooda

Ku:      Dawladaha Hoose ee Dalka                                                                  Xarumahooda

Ku:      Ciidammada Kala Duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland            Xarumahooda

Ujeeddo:       Ilaalinta Deegaanka

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Deegaanku waxa uu saameeyaa bilicda dhulka, fayo-dhawrka caafimaad ee dadka iyo duunyadaba, waxaana waxtarkiisu ku xidhan-yahay hadba Bulshada ku dul nooli sida ay u ilaaliyaan, una daryeelaan, Haddaba:-

Markaan Arkay:                   Qodobka 18aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka

                                    Jamhuuriyadda Somaliland ee u dhigan “Dawladdu waxay

                                                mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka

                                                Deegaanka oo aasaas u ah caafimaadka Bulshada iyo

                                                dhawrista khayraadka Dalka”;

Markaan Arkay:                   Xeerka Ka-hortagga Xaalufka iyo Nabaad-guurka, Xeer Lr.4/98;

Markaan Helay:                   Qoraalka talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda

                                                Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga;

Markaan Dersay:                Baahidda loo qabo in la xoojiyo gacan ku-haynta Dawladda

                                                ee dhul daaqsimeedka, lana horumariyo ilaalinta dhirta iyo

                                                daaqa;

Markaan Garawsaday:      In ay daruuri tahay in laga hortago waxyeelada ka dhalan

                                                karta hadhaaga waxyaabaha loo adeegsado nolol

                                                maalmeedka iyo qashinka warshadaha;

Markaan Tixgeliyey,           Kaalinta Xukuumadda ee ah in ay mas’uul ka tahay

                                                baabiinta dhulka gaarka loo ootay ee dhul-daaqsimeedka,

dib u soo celinta maagii kala xadayn jiray dhul

daaqsimeedka iyo dhul beereedka, isla markaana dib loo

sameeyo seerayaashii daaqa iyo kuwo cusub.

Haddaba, waxaan farayaa Hay’adaha Dawlaladda ee qoraalkani khuseeyo in ay si wada jir ah uga hawlgalaan fulinta wareegtadan, una gutaan xilka ay xeerarka dalku sareen.

Dhinaca kale, waxaan ugu baaqayaa Bulsho weynta Somaliland inay hawshan ilaalinta deegaanka doorkooda ka qaataan, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee arrintan ku hawlan.”  

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.