Maxaad ka taqaannaa Taariikhda Hoggaamiyihii Al-Shabaab, Maxay-se Caalamku ka yidhaahdeen dilkiisa?

Barwaawe(Aftahannews):- Xarakada Al-Shabaab, ayaa xaqiijisay geerida Hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane,  oo magaciisa Jihaadku ahaa Mukhtaar Cabdiraxmaan Abu Subeer, kaasoo ay sidoo kale geeridiisa xaqiijisay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka oo caawa sheegtay inuu ku dhintay weerar ay ku bartilmaameedsadeen isaga iyo Saraakiil kale oo kooxda ka tirsan Isniintii inna dhaaftay.

Waxay Kooxda Al-Shabaab sidaas ku sheegeen farriin qoraal ah oo ay soo dhigeen Bartooda Twitterka. Geerida hoggaamiyahooda ayay ku sheegeen in uu ku shahiiday weerer Cirka ah oo uu Maraykanku ku qaaday gobolka Shabeelada Hoose 1-dii September 2014-ka.

Dhinaca kale, dhimashada hogaamiyaha Al Shabaab waxa Jimcihii xaqiijisay xarunta Taliska Ciidammada Maraykanka Pentagon-ka oo ku cabbirtay in geerida Axmed Cabdi Godane ay horseedayso kala burbur ku yimaadda Ururka Al-Shabaab.

Axmed Cabdi Aw-Maxamed, ayaa sannadihii ugu dambeeyay hoggaanka sare ee Al Shabaab ka saaray Saraakiil sarsare oo qaarkood ay isaga la aasaaseen iyo kuwo Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxa warku intaasi ku daray in Hoggaamiyaha Al-Shabaab ay la dhinteen Saraakiil sarsare oo ay isaga isugu dhawaayeen oo marka la wareeray la socday.

Ken Menkhaus, oo ah khabiir caalami ah kana tirsan Jaamacadda Davidson College, ayaa yidhi; “Godane wuu burburiyay jaranjarradii maamul ee Ururka Al-Shabaab iyadoo haatan aanay jirin qaab dhismeed cad oo keeni kara beddelkiisa, waxanan anigu rumaysanahay in geerida Godane keenayso khilaaf gudaha Al-Shabaab ah oo faro-badan.”

Khabiir lagu magacaabo Ahmed Soliman, oo ah Cilmi-baadhe u qaabbilsan arrimaha dalka Soomaaliya Xarun Cilmi-baadhiseed oo lagu magacaabo Chatham House kuna taal Magaalada London ee waddanka Ingriiska, ayaa sheegay inaan weli la dhayalsan karin awoodda ay leedahay Kooxda Al-Shabaab, waxaanu yidhi; “Al-Shabaab maanta waxay haysataa taageero ku filan, waxaana doqonniimo ah in la dhayalsado awoodda Al-Shabaab haatan haysato.”

“Waxa keliya oo Axmed Cabdi Godane aynu ku tilmaami karnaa isaga waa ficilladiisii; waxay ahaayeen qaar arxan-darro iyo axmaqnimo faro-badan leh.” Sidaas waxa yidhi Khabiir lagu magacaabo Richard Downie, ahna Ku-xigeenka Qaaradda Afrika ee Xarunta Daraasaadka.

Ururka Al Shabaab, ayaa magaciisu halkii ugu sarraysay gaadhay muddadii uu hoggaankiisa hayay Axmed Cabdi Godane, isagoo ku dhiirraday in weerarrada Ururka Al-Shabaab ka tallaabiyo xuduudaha dalka Soomaaliya, tusaale ahaan sannadkii 2010, labo qarax oo mataano ah oo Caasimadda dalka Uganda ku dileen in ka badan 70 ruux, iyo weererkii sannadkii hore bishii September 2013, Naftood hurayaal ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Xarun Ganacsi oo ku taallay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, iyagoo dagaal afar maalmood ka socday Westgate Mall qudha kaga jiray 67 ruux oo waddamo badan u kala dhashay.

Godane dadka aqoonta badan u lehi waxay ku tilmaameen in uu ahaa Mufakir magaca Al-Shabaab gaadhsiiyay daafaha caalamka, sidoo kalena uu ahaa dagaalyahan, isagoo marmarna ka qaybgali jiray doodaha Culuunta Diinta ee Culimada Somaliyeed. Waxa kale oo uu Godane ku guulaystay in Al-Shabaab ka hesho Rag u dagaallama waddamada reer Galbeedka iyo sidoo kale dhaqaale faro-badan.

Taariikhda Madow ee Godane ku lahaa Al-Shabaab, ayaa ah khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay isaga iyo Saaxiibbadii ka midka ahaa hoggaanka sare ee Ururka Al-Shabaab.

Godane ayay khaarajiyay sannadkii 2013 hoggaamiyayaal sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Afgan oo ka mid ahaa aasaasayaashii Al-Shabaab, Mufakir iyo Arimo Fuliye Sare oo dhinaca hawlgallada culculus ahaa, iyo Omar Hammami oo ahaa Muwaaddin gobolka Albama ee dalka Maraykanka ka soo jihaad-doontay, loona yaqaannay Abu Mansoor al-Amriki

Axmed Cabdi Godane waxa uu ku dhashay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu ka midka ahaa Ardaydii ugu sarraysay ee dugsi Culuunta Diinta lagu dhigto oo halkaa ku yaalla, taasoo uu ku mutaystay Deeq Waxbarasho oo uu ku tegay Sudan iyo Pakistan.

Laakiin muddadii uu ku sugnaa Pakistan sannadihii sagaashamaadkii (1990s), ayuu halkaa kula kulmay dagaalyahanno Islaami ah, ka dibna waxa uu ka gudbay xuduudaha Afgaanistaan isagoo ku biiray Al-Qaaida.

Godane ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya (Somaliland) gaar ahaan Hargeysa sannadkii 2001-dii, isla markiiba waxa uu ka mid noqday koox hindistay samaynta Xarakada Dagaalyahanka Al-Shabaab kuwaasoo ku dhex-jiray Maxkamadihii Islaamka ee Magaalada Muqdisho ka dillaacay ama laga abuuray.

Markii uu Axmed Cabdi Godane la wareegay hoggaanka Kooxda Al-Shabaab sannadkii 2008, ayaa Xukuumadda Maraykanku ay u aqoonsatay in Al-Shabaab ay yihiin koox argagixiso. Axmed Cabdi Godane, ayaa isaguna markii dambe ka mid noqosho u gudbiyay hoggaamiyihii sare ee Al-Qaacida Osama bin Laden.

Hase-yeeshee, Osama bin Laden, ayaa dalabkaasi Godane aan aqbalin sababo la xidhiidha hawlgallada Al-Shabaabka oo aan waafaqsanayn ujeeddooyinka Al-Qaacida. Balse ka dib markii Osma Maraykanku dilay ayay Al-Shabaab si rasmi ah ugu biirtay Shabakadda Al-Qaacida sannadkii 2012-kii.

Xukuumadda Maraykanka, ayaa sannadkii 2012 shaaca ka qaadday in madaxa Axmed Cabdi Godane ay dul-dhigtay lacag dhan $7 Milyan oo Doollar oo abaalmarin lagu siin doono cidda iyaga u soo sheegta halka uu joogo oo sax ah.

Waxaana Axmed Cabdi Godane Maraykanku khaarajiyey kawdii bishan September oo ku beegnayd habeennimadii Isniinta ee ay Salaasadu soo galaysay toddobaadkan dhammaaday isagoo ay da’diisu tahay 37-jir.

Waxay Ciidammada Maraykanku hawlgal diyaaradeed oo kan ay Godane ku dileen ah oo kale ku dileen hoggaamiyihii Al-Shabaab ee hore sannadkii 2008 Macallin Aadan Xaashi Caraw oo sidan oo kale ay xilli habeennimo ah u dileen markii ay diyaaraduhu duqeeyeen guri uu kaga sugnaa magaalada Dhuusa-mareeb oo ah magaalada uu ku dhashay Cayrow.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.