Raysal-wasaare C/Weli Sheekh oo ka warbixiyey Sirta sahashay in la dilo Axmed Godane & siday isaga kaashadeen

Mudisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka hadlay waxyaabaha sahlay in la dilo hoggaamiyihii Kooxda Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Saraakiil sare oo lala dilay kawdii bishan, oo ay Al-Shabaab lafteeda iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanku isla caawa si rasmi ah u xaqiijiyeen dhimashadiisa.

RAYSAL WASAARE CABDIWALI SHEEKH AXMED

Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh oo caawa markii dhimashada Godane la xaqiijiyey ka dib Warbaahinta la hadlay, ayaa ka warbixiyey sida ay dawladaha Maraykanka iyo Soomaaliya isaga kaashadeen sidii loo khaarajin lahaa Amiirkii Kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Maxamed (Godane) oo kooxda dhexdeeda looga yaqaannay (Mukhtaar Cabdiraxmaan Abu Subeer).

Sidoo kale, waxa uu Raysal-wasaaruhu baaq u jeediyey Dhalinyarada la jaho-wareeriyey ee ka tirsan Malleeshiyaadka hubaysan ee Al-Shabaab oo uu sheegay inay fursado muhiim ah oo ay noloshooda dib ugu dhisaan siin doonaan haddiiba ay ka soo noqdaan kooxdaas oo ay ka toobbad-keenaan argaggixisanimada iyo dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Muuqaalka Warbixin iyo hadalka Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya caawa jeediyey ka daawo Halkan hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.