Madaxweynaha Soomaaliya Muxuu ka yidhi Dilka Axmed Cabdi Godane & Al-Shabaabta Ajaanibka ah?

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa ka hadlay dilka Hoggaamiyihii Malleeshiyada AL-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo ay Maraykanku duqayn ku dileen kawdii bishan oo baadhis maalmo iyo habeenno socotay ka dib ay caawa fiidkii hore Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanku xaqiijisay dhimashadiisa.

XASAN SHEEKH

Hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo Saraakiil sarsare oo Kooxda ka trisanaa ayay Diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayni ku bartilmaameedsadeen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay diyaaradaha Maraykanku duqayn ka geysteen.

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka oo intii hore ka gaabsanaysay ka hadalka dhimashada Godane, ayaa sheegay in baadhitaan caawa ka hor illaa isniintii inna dhaaftay ay wadeen ka dib ku ogaadeen xaqiiqada ah in Godane ku dhintay weerarka ay kawdii bishan diyaaradohoodu ka fuliyeen Soomaaliya. Sidoo kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa qirtay dilka hoggaamiyohooda, sida lagu sheegay Qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga ay kooxdu ku leedahay Shabakadda Internet-ka ee Twitter-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ka hadlayey kulan lagula dardaarmayey Guddiga Farsamo ee ay Xukuumaddu u saartay Maamul-u-sameyn gobollada dhexe ee Soomaaliya, ayaa sheegay in la xaqiijiyey geerida horjoogihii Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya ayuu tilmaamay in  muddo baadhitaan ay waddeyiyadoo  kaashaneysa  dawladda Mareykanka ka dib lagu guuleystay in la ogaado geerida Axmed Cabdi Godane

“Waxaan leenahay dhallinyarada Al-Shabaab ka tirsan, waa uu dhammaadey waqtigii kooxdaasi, sidoo kale kuwa dalalka shisheeye laga soo qalday, waxaan leenahay ha iskaga tagaan dalkan, dalkan Soomaaliya ayaa leh, dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan diyaar ula nahay in aan badbaadinno mustaqbalkooda.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka iyo Hadalka Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud caawa jeediyey. Daawasho Wacan:

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.