Furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Sababta keentay

Muqdisho(Aftahannews):- Kal-fadhiga shanaad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , ayaa xilligii hore loogu ballansanaa inuu si rasmi ah dib looga dhigay muddo toban dharaarood ah arrimo farsamo iyo hawlo culus oo Shir-guddoonka Golaha Shacabka horyaalla awgeed, sida uu sheegay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad.

Jeylaani-Nuur-Iikar Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka somalia

Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo maanta la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay inuu dib-u-dhac ku yimi furitaanka Kal-fadhigii 5-aad ee Golaha Shacabka, kaasoo lagu ballansanaa 10ka bishan aynu ku jirno isagoo ku macneeyay sababo farsamo iyo howlo culus oo xilligan horyaalla Guddoonka Baarlamaanka.

Md. Iikar ayaa tilmaamay in Kal-fadhiga 5-aad la furi doono 20 bishan aynu kujirno xili ay Baarlamaanka Soomaaliya hor yaalaan sharciyo kala duwan oo ay horay ugu soo gudbiyeen golaha wasiirada iyo heshiisyo lala galay dowlado kale kuwaasoo Baarlamanku amba qaadi doono marka uu dib u howl bilaabo,

Sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intaa ku daray  in 10ka bishan uu furmi doono fadhi gaar ah  oo ay yeelanayaan xubnaha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka iyo galaha wasiirada si loo dar dar geliyo howlaha Baarlamaanka,

Waxa uu Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ugu baaqay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay ka soo xaadiraan furitaaanka Kal-fadhigooda shanaad waqtiga loogu talagalay inuu furmo, isla markaana ay dalka dib ugu soo laabtaan xilligaasi maaddaama uu ballanka furitaanku yahay 20-ka bishan haddii ILLAAHAY yidhaahdo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.