Wasiirka Duulista Soomaaliya oo sheegay in Diyaaraduhu Habeenkii fadhiisan doonaan Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan-Cadde shaqayn doono afar iyo labaatanka saacadood ee habeen iyo maalin-ba.

WASIIRKA HAWLAHA GUUD EE SOMALIA

KULANKA WASIIRKA HAWLAHA GUUD KU SHEEGAY IN HABEENKII LA SHAQAYNAYO

Wasiirku ayaa maanta kulan la qaatay Masuuliyiinta Shirkahada Diyaaradaha ee duullimaadyada diyaaradohoodu dalka ka hawlgalaan, Xubno ka socday Rugta Ganacsoga Soomaaliyeed, Maamulka Garoonka diyaaradaha iyo Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key, uuna goob joog a ahaa Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga ayaa looga hadlay horumarinta garoonka Aadan Cadde.

Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay  uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dayactirka garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, gaar ahaan in nalal lagu xiro halka ay soo cago dhigtaan diyaaradaha si ay ugu fududaato in diyaaaradaha garoonka Aada Cadde ay xilliyada habeenkii ah ka howlgalaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka uu ku soo idlaaday guul, isla markaana ay isla afgarteen in si deg deg ah wax looga qabto baahiyaha ka jirta garoonka, gaar ahaan in xilliyada habeenkii ah uu shaqeeyo, maadaama isbadal amni uu ka jiro caasimadda, ayna keentay baahi ah in duulimaadyo caalami ah la helo.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo haqab tiri lahaa baahida ay tebayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aada Cadde uu xillii waliba shaqeeyo, si ay u fududaato isu socodka gaadiidka hawada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.