Soomaaliya oo Dacwaynaysa Shirkadda DNO oo Heshiis Samahin Shidaal ah kula jirta Somaliland

“Waxay Shirkadda DNO qorshaynaysaa abuuritaanka iyo tabobbarista Ciidan Malleeshiyo hubaysan ah inay ka hawlgeliso deegaannadaas (Sool), iyadoo…” Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Federaalka Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar

Muqdisho(Aftahannews):- Shirkadda Sahamiinta Shidaalka ee DNO oo laga leeyahay dalka Norway, ayaa Xukumadda Federaalka Soomaaliya waxay ku eedaysay inay amni-darro iyo khalkhalin ka abuurayso Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Federaalku.

DNO-logo1

WASIIRKA MACDANTA IYO BADROOLKA SOOMAALIYA DAA'UUD MAXAMED CUMAR

Daa’uud Maxamed Cumar oo ah Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, ayaa sheegay inay Shirkadda DNO heshiisyo dhinaca Shidaalka iyo sahamintiisa ah la gashay wax uu ugu yeedhay Maamul-goboleedyada Soomaaliya iyada oo ay dawladda Federaalka ah oo sharciyan awoodda heshiisyada shidaalka iyadu lihi joogto. Sidaa awgeedna ay Dacwad ka dhan ah DNO u gudbinayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay haddii ay faraha kala bixi weydo heshiisyadaas.

Shirkadda Norway laga leeyahay ee DNO, ayaa heshiis sahamin Shidaal ah kula jirta dawladda Somaliland oo tan iyo sannadkii 1991-kii gaar uga taagnayd dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya markii 18 May 1991-kii magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer  lagaga dhawaaqay inay Somaliland ka go’day Soomaaliya, ka dib dagaallo qadhaadh oo ay Jabhaddii SNM la gashay Taliskii Millateriga ahaa ee Soomaaliya oo ay ku guulaysatay Jabhaddaasi inay xorayso gobolladii Waqooyiga Soomaaliya la odhan jiray oo hadda Somaliland ah.

Waxay Shirkadda DNO qaandaraas ka heshay Xukumadda Somaliland, inay Shirkaddani Shidaal  ka baadho Ceelka (Blog) (Laakabka) 19-aad oo ku yaalla Bariga Somaliland, sida ay Wakaladaha wararku baahiyeen. Waxaana dhawr jeer isku daynay in aannu laa xidhidhno dhinacyada isgadhsiinta iyo farrimaha Emailka si ay eedamahas jawaab nooga siiyaan. bishi July Sarkaal sare oo ka tirsan Shirkaddaas ayaa sheegay in aanay Shirkaddu khalkhal-gelinaynin ammanka dalka Somaliland.

Dalkii laa isku odhan jirey Soomaaliya oo mudoo dheer dagaallo sokeeye oo u dhexeeya hoggamiyeyaal siyaasadeed, Kooxo, Ururro Diimeed iyo kuwo Xag-jirka ah, ayaa intuba isku haystaan gacan-ku-haynta dalka.

Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Federaalka Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar, ayaa sheegay Shirkadaha heshiisyo sharciga uu yaal dawladda Federaalka ka baxsan heshiisyo kula gala Maamul-goboleedyada ka dhisan dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ay yihiin kuwo dalka dab ka hurinaya oo halis gelin kara nabadgelyada.

“Shirkadahan yar-yar ayaa dalka khalkhal-gelinaya, oo iyagu burburineya dib-u-dhiska dalka iyo dedaalka Beesha caalamka ee dhismaha nabadgelyada ee dalka (Soomaaliya).” Sidaa ayaa Wasiirka Baadroolka Soomaaliya ku yidhi War-Saxaafadeed uu soo saaray sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, isla markaana uu soo turjumay Qorayaasha Aftahannews.

Waxa kale o War-Saxafadeedkan Wasiirka Badroolka Soomaailya Daa’uud Maxamed Cumar soo saaray gooni u taabanayaa Shirkaddan Norway laga leeyahay ee DNO, taasoo uu ku tilmaamay in ay ka qayb-qaadanayso abuuritaanka Ciidammo uu Malleeshiyaad hubaysan ku tilmaamay sida uu ku sheegay warkan Aftahannews soo turjumay.

Waxaanu Wasiir Daa’uud oo ka hadlayaa yidhi; “Waxay Shirkadda DNO qorshaynaysaa abuuritaanka iyo tabobbarista Ciidan Malleeshiyo hubaysan ah inay ka hawlgeliso deegaannadaas (Sool), iyadoo ujeeddadeedu tahay inay ilaaliyaan shirkadda iyo shaqaaleheeda muddada ay halkaas ka hawlgayso.”

Wasiirka Macdanta iyo Badroolka Soomaaliya Mr. Daa’uud, waxa uu Shirkadda DNO ku eedeeyey inay deegaannadaas (Sool) hore uga abuurtay iska-hor-imaadyo sababay barakac iyo dhibaatooyiin la mid ah, waxaanu sheegay in haddii aan wax laga qaban ay natiijadeedu noqon doonto inay guryohooda ka barakiciso dad jilicsan iyo dad aan waxba galabsan oo bilaa dembi ah oo ay nafohooda galaafan karaan haddii isku-dhacyo ka bilaabmaan deegaannadaas oo uu ku tilmaamay kuwo aan marka horeba ammaan wanaagsani ka jirin.

Wasiir Daa’uud iyo Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaan weli si rasmi ah u caddaynin eedahaas, isla markaana aan soo bandhigin caddaymaha iyo xaqiiqooyinka rasmiga ah ee eedaymahaas uu u jeediyey Shirkadaha Shiidaal-baadhista iyo sahaminta ka wada deegaannada aanay heshiisyadooda waxba ka ogeyn oo ay ugu horreyso DNO.

“Waxaannu digniin u diraynaa dhammaan Shirkadaha Heshiisyada sharciga dawladda Federaalka ah u yaal ka hor-imanaya in Dacwad ka dhan ah aannu u gudbin doonno Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Badroolka Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa dhawrkii bilood ee u dambeeyey bilawday inay cusboonaysiiso heshiisyo dawladdii dhexe ee Soomaaliya ee Burburtay 1991-kii kula jirtay shirkado caalami ah iyo saxeexa heshiisyo cusub oo dhinaca Shidaalka iyo Macdanaha ah, waxaana shirkadaha ay kulmeen heshiisyadana galeen ka mid ah ExxonMobil, ConocoPhillips, Chevron, Mubadala Peroleum iyo BP.

Dawladda Somaliland, ayaa hore u sheegtay inay Ciidammo ka tirsan Ciidammadeeda Booliska iyo Millateriga ay ka xuli doonto Askar la siiyo tabobbar gaar ah oo la xidhiidha ilaalinta Shirkadaha Shidaalka Samintiisa ka wada iyo kuwo ka bilaabaya dalkeeda iyo shaqaalohooda-ba. Kaasoo ay Kooxda daba-galka Cuna-qabataynta Hubka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya iyo Eritrea hore u soo saareen digniin ka dhan ah abuuritaanka Ciidankaas, taasoo ay Somaliland-na kaga jawaabtay inaanay ciiddankaasi ahayn kuwo cid ku duulaya iyo kuwo wax dhibaya, balse keliya ay gaar  u ahaanayaan ilaalinta Ammaanka Shirkadaha Sahaminta Shidaalka iyo Shaqaalohooda inta ay Somaliland ku sugan yihiin.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.