Xukuumadda Siilaanyo oo bilawday Xeelad cusub oo ay ku cabbudhinayso Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa

Hargaysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland ka talisa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo muddada afarta sano iyo labada bilood ah ee ay xilka haysay ku sifawday ku xad-gudubta Xuquuqda, Xorriyadda iyo Madax-bannaanida Saxaafadda madaxa-bannaan iyo Weriyeyaasha oo ay kula kacdo xadhig, xukunno iyo xayiraado sharci-darro ah, ayaa hadda bilawday xeelad cusub oo ay kusii labanlaabayso xad-gudubyadaa hore ee ay dhaqanka ka dhigatay.

Wargeysyo

hubaal iyo haatuf weeyaan

HUBAAL Ogaal saxaaffadda-300x200

Waxay Xukuumaddu iftiimisay qorshe cusub oo ay ku doonayso cabbudhinta Saxaafadda xorta ah, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto Wargeysyada Madaxa-bannaan ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland, iyadoo hore u xayirtay Wargeysyada Hubaal iyo Haatuf oo aan tan iyo bilawgii sannadkan shaqaynin, markii ay xayirtay, xarumohoodiina Ciidammo Boolis ah oo la wareegay geysay ka dib.

Tallaabada ay maanta qaadday tahay mid ay doonayso inay Madbacadaha gaarka loo leeyahay ee Caasimadda ka shaqeeya ee Wargeysyada daabaca inay si dadban ugu shaqeeyaan Xukuumadda Siilaanyo, waxaana qorshahan cusub ee ay bilawday kashifay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta kulan gaar ah la yeeshay Mulkiilayaasha iyo Masuuliyiinta Madbacadaha Wax Daabaca ee ka hawlgala magaalada Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa kulan la yeedhay Mulkiilayaasha Madbacaddaha wax daabaca ee xarumaha ku leh Caasimadda Hargaysa, kuwaasoo uu sheegay inay qaranka Faa’iido iyo Halis labadaba u leeyihiin, isla markaana waxa uu si yar oo dabacsan ugu sheegay in qaarkood ay Qaranka xad-gudub ku sameeyeen, inkastoo aanu Carabaabin nooca xad-gudubkaasi yahay.

Cukuse oo Xafiiskiisa ku qaabilay Xubnahan ka socday Madbacaddaha ku yaal Magaalada Hargaysa, waxa uu ku war-geliyey inay Sanadka cusub ee 2015-ka ay ruqsado ka qaataan Wasaaradda Warfaafinta, maadaama ay dhinac ahaan Saxaafadda xidhiidh dhaw la leeyihiin, waxaanu u soo bandhigay inay talo iyo tusaale wixii fikrad ah ee ay ku darsanayaan Xeerka Saxaafadda looga baahan yahay.

“Masuuliyiinta Madbacaddaha Saaka Kulankeenani waa inaynu isku war-gelino Sanadka cusub ee 2015-ka Qorshaha aynu ku wada shaqayn doono, waad ogtihiin oo Madbacaduhu waa qayb ka mida Saxaafadda dhinac ahaan. waa meel soo saarta War la fidiyo oo la baahiyo, Xayaysiisyo, Buugaag iyo Wargaysyo iyo wax la mid ah ayaad ka shaqaysaan oo intaas wax-baad daabacdaan, waxa kale oo daabacdaan Qorraalo kale oo dhammaantood ah wax la fidinayo, sababtaas ayaa iskugu keen keenta oo badannaa xidhiidhka u yeelanaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wasiir Cukuse oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waxaannu doonaynaa inaannu qayb ahaan idin weydiino waad ogtihiinnoo Golaha Wakiilladu waxay gacanta ku hayaan Xeerkii Saxaafadda oo dib u habayn lagu samaynayo. Xeerkaa Saxaafadda ee dib u habaynta lagu samaynayo Saxaafadda kale la tashigii iyo tallooyinkii la waydiinaayey waa lala xidhiidhay oo wixii ay bixinayeen way bixiyeen, wixii ku dhimanna waa la waydiin doonaa.”

“Idinka (Madbacaddaha), ayaanu u baahannahay inaanu wax idinka waydiino ee ay idinla tahay inaanu ku kordhino Xeerkaas oo aanu Maanta idin faraynaa, bal inaad isku noqotaan, bal inaad Madbacaddaha dunnida soo akhridaan, bal Madbacaddaha dawladda saddexaad ee dunida soo akhridaan, bal inaad Madbacaddaha dalalka soo koraaya sideena oo kale aad soo akhridaan bal qaabkay u shaqeeyaan, Xeerarka lagu Maamulo iyo wixii la mid ah.” ayuu yidhi Cukuse.

Waxaanu intaas ku ladhay; “Midna waxa weeye dawladdu xaq waxay idinku leedahay inaad Cashuur bixisaan, cashuurta aad bixisaan siyaabaha la idinka qaado waad taqaannaan, inta la idin iloobana waad taqaanaan. Waxaaba ugu muhiimsan inaad Liisan yeelataan oo aad Liisankaas aad ku shaqaysaan sanadkii lacag ku bixisaan, markaa laba wax ayaa jira midi waa Liisanka Ganacsiga oo Meherradiinu waa mid ganacsi, midna waa mid yar oo dawladda hoose idinka qaado.”

“Liisankaas aad ku shaqaynaysaan wali la idin-ma siin, waxaanu doonaynaa Sanadka cusub ee 2015-ka inaad Liisankaas Goosataan, sida TV-yada, Joornaallada iyo wixii la mid ah, waxaanu siinaa ruqsado aan ahayn Liisanka caadiga ee ay Cashuurta ku bixiyaan. Markaa waxaanu doonaynaa inaad Cashuurtii bixisaan oo dalkeenii ma korayo idinkana maasha allah dakhliga idin soo gaallaa. Madbacaddihiinu qaranka faa’iido ayey u leeyihiin, halisna way ku noqon karaan oo weliba imika qaarkiin xadgudub sameeyeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horaysay ee Wasaaradda Warfaafintu kulan la yeelato Masuuliyiinta Madbacaddaha wax daabaca ee Caasimadda Hargaysa. Waxaana la iftiimiyey inay Xukuumadda Siilaanyo oo ku caan-baxday cabbudhinta, xadhigga, haddigaadda iyo xayiraadda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Somaliland ka hawl-gasha iyo Xadhigga Suxufiyiinta inay damacsan tahay qorshe cusub oo ay is-bahaysi kula abuurayso Madbacadaha dalka si ay suuragal ugu noqoto in Wargeys kasta oo War kululi ku qoran yahay ay si dadban ula socodsiiyaan Xukuumadda, isla markaana aanay daabicin warkasta oo u muuqda inuu lid ku yahay ama xogo ay dhibsanayso oo rasmi ah aan Wargeyska qora la daabicin.

Madbacadaha Daabaca Wargeyskayada kala duwan ee Hargeysa ka soo baxa, ayey Waraaqo u geysay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) markii ay xayiraadaha ku soo rogtay Wargeysyada Hubaal iyo Haatuf, kuwaasoo ay ku farayso inaanay daabici karin marba Wargeyska ay xayirtay, waxaanay ugu hanjabtay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Maxkamadda Daabacda Wargeys xayiran, amarkaas oo ay sidiisa u fuliyeen Madbacaduhu oo aanay dhicin inay daabacaan Wargeys la xayiray.

Hase-yeeshee, waxa uu Wasiir Cukuse waxa uu sheegay inay Madbacadaha qaarkood Qaranka ku gefeen, Liisammo la’aanna ku shaqeeyaan, immika laga bilaabana Liisammo qaataan, iyagoo Madbacaduhu ka mid ah Meheradaha Ganacsi ee ka diiwaan-gashan, Liisammadana ka haysta Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland iyo Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, waxaanay tallaabadan uu Cukuse qaaday muujinaysaa qorsheyaasha ay Xukuumadda Siilaanyo weli ugu xadhko-xidhanayso cabbudhinta Warbaahinta Madaxa-bannaan, gaar ahaan Wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa ee qaarkood tan iyo bilawgii sannadkan u xayiran yihiin Xukuumadda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.