Ismaaciil Buubaa oo ka talo-bixiyey sida ay Somaliland ku kasban karto Cali Khaliif iyo Dadka gobollada Bari: Waraysi Gaar Ah

“Dawladdan immika la dhisayo ee Soomaaliya maba aha mid gacan dheer oo gaadha inay wax ka qabato deegaannadaas Somaliland awoodba u leh…Anigu Midnimada Soomaaliyeed baan amminsanahay, laakiin….

“Ilama ah in deegaannadaas dadka ku nooli ka fog yihiin Somaliland, waa dad si kasta Somaliland uga mid ah. Arrimo kale ayaa meeshan socda oo u baahan in…Galaydh-na wakhtigii uu Federaal halkaas ka hirgelin lahaa weli lama gaadhin oo taasi ma muuqato ee waa..” Waraysi Gaar Ah Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa

Buubaa

Muqdisho(Aftahannews):- Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay, hase-yeeshee sida wayn u taageersan qaddiyadda Midnimada Soomaali-weyn oo ku sugan Muqdisho, ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Somaliland iyo Cali Khaliif Galaydh wadahadal bilaabaan, isla markaana aanay xabbad iyo in la ismuquuniyaan xal noqon karin.

Prof: Ismaaciil Buubaa, oo Waraysi Gaar ah siiyey Aftahannews.com, waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan deegaannada Cali Khaliif Galaydh Madaxweyne Kooxda Khaatumo looga doortay ee Sool iyo Buuhoodle yihiin dad reer Somaliland ah oo ka awoow-ka-awoow ku abtirsada Somaliland, balse waxa keenay inay ka soo horjeestaan gooni-isu-taagga Somaliland iyo wax-la-lahaansheheedu yahay mid ku yimi tabasho iyo qancin la’aan ay dawladaha Somaliland u kala dambeeyey kala kulmeen. Wakhtiganna loo baahan yahay inay Somaliland ku dedaasho sidii ay u kasban lahayd Shacabkeeda.

Waxa kale oo uu Prof: Buubaa, sheegay inaanay waxba ka jirin warar ay Warbaahinta Somaliland qaarkeed ka baahiyeen oo ay ku sheegeen inuu ka mid yahay Siyaasiyiin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho uga yimi ka qayb-galka Munaasibadda la rabay in Madaxweyne-nimada horraantii bishan Kooxda Khaatumo u dooratay Cali Khaliif Galaydh lagu loogu Caleemo-saaro oo ka dhici lahayd Tuulada Saax-dheer oo 75-KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Laacaanood ee xarunta gobolka Sool oo ah goobta bishan lagu doortay Galaydh.lagu caleemo-saaro.

“Warkaas waxba kama jiraan ee waa been. Anigu Saax-dheer ma iman ee Muqdisho ayaan joogaa oo aan degganahay oo aanan beryahaa meelna uga bixin. Warkaasina Warbaahinta Hargeysa ayaa qortay baa la ydihi oo Hargeysa ayuu iga soo gaadhay, waaban yaabayoo waxaan idhi; ‘Hargeysa goormay Wershaddii Beenta noqotay?’ Laakiin, waxaan kuu sheegayaa inaan hadda Muqdisho kaala hadlayo meelna aanan uga bixin, oo aanan Saax-dheerna iman meel kalena tegin.” Sidaa ayuu yidhi Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa oo isagoo ku sugan Muqdisho Khadka taleefanka gacanta ugu warramay Tifaftiraha Aftahannews Cabdifataax I. Mursal oo Hargeysa ku sugan warka sheegaya inuu Saax-dheer u yimi ka qayb-galka Caleemo-saarka Galaydh.

Ismaaciil Buubaa oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida uu u arko xaaladda ka taagan Saax-dheer oo Sool ka tirsan oo ay Somaliland Cali Khaliif iyo Kooxdiisa ka saartay Khamiistii toddobaadkan, waxa uu yidhi; “Aniga waxay ila tahay inaanay xabbad iyo in la is-baacsado midkoodna xal keeni karin, hase-yeeshee loo baahan yahay wadahadal iyo is-faham in la abuuro oo la iska qanciyo waxa la isku diiddan yahay. Cali Khaliif-na ilama aha inuu yahay nin wadahadal diidi kara, waayo? Wax baan maroorsanayaa meel kuma gaadhi karo, Somaliland-na qasab Somaliland ku ahaada kuma haysan karto dadka deegaannadaas.”

Mar Buubaa uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Somaliland marar badan wadahadal ugu baaqday dadka deegaannada gobollada Bariga, gaar ahaan Sool iyo Buuhoodle, balse Galaydh uu waxaas iska indha-tiray, Somaliland-na wakhtigan ku doodaysay in waxa dagaalka ku kallifay yahay ka hor-tagga hub iyo Siyaasiyiin Muqdisho iyo Kismaayo uga yimi Kooxda Khaatumo, taasoo ay faro-gelin dibedeed oo aanay eegan karin ku tilmaantay, waxaanu yidhi; “Horta, ilama aha Aniga in dawladda Soomaaliya ee maanta Xamar ka dhisani ay awoodba u leedahay inay faro-gelin dibedeed samayso, waayo? Iyadiibaaba la dhisayaa oo aan weli dhismeheedu dhammaan, dagaallana ku furan yihiin, laakiin, dadka deegaanka Sool iyo nawaaxigiisu waa dad reer Somaliland ah oo weligood ka awoow-ka-awoow reer Somaliland ahaa oo ku abtirsada, waxa maanta keenay inay Somaliland-nimada diidaan oo ay yidhaahdaan waan ka goosanaynaa ee Midnimada iyo Federaalka Soomaali-weyn ugu muuqday waxaan qabaa waa tabasho ay Somaliland ka qabaan, waxaanay Somaliland waajib ku ah inay Shacabkeeda qanciso oo wadahadal la furto oo degganaanshaha laga shaqeeyo.”

“Waayo? Arrintani waa arrin u taalla dadka deegaanka, go’aankeedana ay iyagu leeyihiin, Galaydh-na ma qasbi karo, Somaliland-na ma qasbi karto dadka deegaanka, iyagaa rabitaankooda iyo go’aanka masiirkooda leh, markaa walaalnimo, in la wadahadlo iyo in qofka kaa sii socdaa wuxu kuugu soo jeesto aad tusto ayaa lagu wada joogi karaa. Anigu Ismaaciil ahaan si weyn baan u aamminsanahay Midnimada ummadda Soomaaliyeed, laakiin haddana waxaan aamminsanahay in meel waliba iyo gobol kastaaba uu degganaansho helo.” Sidaa ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa.

Waxa Prof: Buubaa la weydiiyey waxa uu kala socdo in Soomaaliya faro-gelin Siyaasadeed iyo maal-gelin ka geysato dhismaha Maamulka Khaatumo ee Galaydh hor-socdo, waxa uu ku jawaabay; “Arrintu Sooomaaliya maaha ee waxa weeye rabitaanka dadka meesha deggan, dawladdan immika la dhisayo ee Soomaaliya maba aha mid awoodba u leh inay wax ka qabato deegaannadaas Waqooyiga ee Somaliland iyo Puntland toona, lamana odhan karo taas oo dawladdani xillinta dhibaatooyinka halkan (Xamar) iyo inta ku xeeran ka taagan bay u taag la’dahay, gacan dheer oo halkaas gaadhana malaha.”

Mar Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey maaddaama oo uu yahay Siyaasi ay in badan Prof: Galaydh soo wada-shaqeeyeen, saaxiibbana yihiin bal inuu marna wax talo ah ka geystay arrinta uu ku mashquulsan yahay iyo isu-soo-dhawaynta Somaliland, waxa uu yidhi; “Wallaahi dadkaasi waa dadkeennii waa dad aannu dad badan walaalo ka nahay ama aan wada shaqayno, ama aan wax wada-baranno ama aan wada degganaanno dad aynu meel kala tegi karno maaha, Galaydh-na waa qof la is-fahmi karo intaan ka aqaan, laakiin inay fahanto iyo inay qanciso isaga iyo dadka deegaanka-ba waa arrin u taalla Somaliland.”

“Sidaan kuu sheegay anigu waxaan aamminsanahay midnimo Soomaaliyee. Laakiin, midnimadaas Soomaaliyeed oo ku salaysan in Bulshada gobollada oo dhan mid walba midnimo gudohooda ah, isfaham iyo wadahadal waxa u dhexeeya ay ku dhammaystaan, ilamana ah in deegaannadaas dadka ku nooli ka fog yihiin Somaliland, waa dad Somaliland si kasta Somaliland uga mid ah. Arrimo kale ayaa meeshan socda oo u baahan in laga wadahadlo, Midnimada ummadda Soomaaliyeed ayuun bay si u arkaan qoladanna u arkaan gooni-isu-taagga, markaa waxkasta waxa lagu xallin karaa isfaham iyo wadahadal aan laga daalin, Galaydh-na wakhtigii uu Federaal halkaa ka hirgelin lahaa weli lama gaadhin oo taasi ma muuqato.” Sidaa ayuu yidhi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo u warramay Aftahannews.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.