War-bixin ka hadlaysa Duruufaha Haweenka Kuulinnimada kaga Shaqaysta Dhismayaasha Boorama

Boorama(Aftahannews):- Haweenka ku shaqaysta Xirfadaha Dhsimaha Guryaha ee Kuulinimada iyo Wastaadda, ayaa ku soo badanaya magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal ee Somaliland, kuwaasoo sheegay inay raadinta nolol-maalmeedka Ubadkoodu ku kalliftay inay qabtaan ama quutal-daruuriga uga raadiyaan Shaqada Kuulinnimada oo ka mid ah Shaqaayinka aadka u adag ee la qabto.

HAWEENKA KUULINNIMADA KAGA SHAQAYSTA MAGAALADA BOORAMA

Haweenka ku dhaqan magaalada Boorama ee ku shaqaysta Xirfadda Kuulinnimada Dhismaha Guryaha, waxa Warbixin ka diyaariyey Weriyeyaha Horn Cable TV ee magaaladaas, isagoo waraystay Haweenkaas oo qaarkood shaqada Kuuliga ay ku guda-jiraan, waxaana Warbixintaas oo Muuqaal ah aannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.