Madaxweyne Siilaanyo oo Ammaanay Maamulka Haamaha Shidaalka Xilli Baadrool La’aan ka Jirto Somaliland

Maareeyaha Haamaha Berbera oo Madaxweynaha uga warbixiyey mashaariic lacag badan ku baxayso iyo xog-warankii Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha

Berbera(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kormeeray Haamaha Shidaalka ee Berbera iyo Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha, maanta, isagoo markii dambena dib ugu laabtay dhinaca caasimadda Hargeysa, kadib markii uu dhammaystay safar shaqsi oo muddo laba maalmood ah ku joogay Berbera.

siilaanyo iyo haamaha

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka hor intii aannu ka bixin Berbera, waxa uu dhagax-dhigay waddo dhererkeedu yahay 1.40km oo loogu talogalay inay isticmaalaan booyadaha shidaalka ka qaada Haamaha Shidaalka ee Berbera, isagoo ammaanay waxqabadka maamulka hay’addaas xilli muddooyinkii u dambeeyey shidaal la’aan, gaar ahaan batroolka laga dareemay magaalooyinka Somaliland, isagoo aan madaxweynuhu soo hadal qaadin arrintaas.

“Aad iyo aad ayaan idiinku hambalyeynayaa shaqada wanaagsan ee aad wadaan, halkaasna ka sii wada shaqadaas, waxaanan Ilaahay idiinka baryayaa inuu idiin fududeeyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Hasayeeshee, Madaxweynuhu kama hadal dhibaatada dhinaca shidaal-yarida ee ka taagan dalka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa oo gaadiid badan u istaageen shidaal la’aan, iyadoo badanka kaalmaha shidaalku u sheegaan gaadiidlayna in aanay batrool ah hayn, halka kuwo kalena qiimo sare ku iibiyaan.

Maareeyaha Haamaha Shidaalka Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa isaguna madaxweynaha warbixin ka siiyey mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey xarunta haamaha iyo dhaqaalaha ku baxaya fulinta mashaariicdaas.

“Madaxweyne, waxaannu halkan ku soo bandhigaynaa qalab ah daynabooyinka shidaalka ku tuura booyadaha, waxana ku baxday lacag dhan $240,000 doollar (laba boqol iyo afartan kun). Nasiib wanaag annaga oo muddo saddex bilood ah sugaynay ayuu qalabkan noo yimi, kuna soo beegmay safarkaaga aad Berbera ku timi.

Waxa kaloo madaxweyne aannu doonaynaa inaad noo dhagax-dhigto waddo laami ah oo aannu qandaraaskeeda bixinnay, kuna baxayso lacag dhan $116,000 doollar (boqol iyo lix iyo toban kun). Waxa kaloo socda dayactir aannu ku samaynaynno shan haamaha shidaalka ah, iyadoo aan beryahan wax dayactir ah lagu samayn haamaha shidaalka, waxana ku baxaysa lacag dhan $460,000 (afar boqol iyo lixdan kun) oo doollar,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku dhuftay qorshe lagu ballaadhinayo ballaadhin 400 mitir ah oo lagu xeradaha haamaha shidaalka, hawshaasoo uu xusay inay ku baxday lacag dhan $57,000 doollar (toddoba iyo konton kun) oo doollar.

“Madaxweyne, waxaannu rajaynaynaa in aannu rumaynno himiladaada aad ka lahayd Haamaha Shidaalka ee Berbera markii aad ka wareejisay shirkaddii TOTAL. Waxaannu rajaynaynaa in marka dambe ee aad noo timaad la kulmi doonto mid ka qurux badan muuqaalka maanta ee ka muuqda xarunta Haamaha Shidaalka,” ayuu yidhi Sheekh Saleebaan oo aan isna dhinaciisa madaxweynaha la soo hadal qaadin dhibaatooyinka ka taagan dhinaca shidaalka.

Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera, ayaa hore saxaafadda ugu sheegay in aannu shidaalku ka kala go’in dalka, wax shidaal la’aan ahna aanay jirin, balse ganacsatada shidaalku qayb ka yihiin sixir-bararka ay wadaan, kuwaasoo uu ku eedeeyey inay qariyaan shidaalka ay hayaan, kadibna qiimo qaali ah ku iibiyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Md. Fahmi Cabdi Bidaar oo isna halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa si xooggan u amaanay maamulka Haamaha Shidaalka ee Berbera, isagoo xusay in muddadii ay xilka hayeen wax badan oo horumar ah gaadheen.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xerada ciidanka Ilaalada Xeebaha, isagoo indho-indheeyey hawlaha ciidanka iyo sida ay u gutaan waajibkooda ciidan.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Axmed Aw Cismaan Cabdi, ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyey hawlaha ciidanka, isagoo tilmaamay in ciidankiisu xilligan isku filan yihiin qalab ahaan iyo awood ahaanba, cadawgana ka difaaci karaan xeebaha iyo badda Somaliland, isla markaana aanay ogolayn in cid dhib wadaa ku soo xad-gudubto badda iyo xeebta Somaliland.

“Doonyahan dhaqaaqooda ayaanu ku tusaynaa. Waa doonyo dheereeya. Waa kuwo meel kasta gaadhi kara iyo xuduudaha biyaheena oo dhan, horena umaynaan haysan, waxayna ka mid yihiin waxqabadka dawladda ee cusub, maanta ayuun baynu ciidan baddeed nahay.” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayeen xubno qoyskiisa ka tirsan, ayaa muddo laba maalmood ah safar khaas ah ku joogay magaalada Berbera, isagoo dhawr jeer ku dabbaashay badda, waxaannu gellinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa.

Xigasho Jamhuuriya.